Nin dhimasho iyo dhaawac u geestay rag uu ku arkay iyaga oo lahaasaawaya saaxiibtii hore (muxuu weerarka u adeegsaday?)

Saturday, May 11, 20130 comments


Delaney Barnett, oo 27-sano jir ah ayaa midi ku dilay Harold Muzeremwi, oo 20-sano lagu sheegay da’diisa isaga oo sidoo kale daawacay Nash Leigh Walsh-Drew oo 25-sano jir ahaa kuwaa oo ku sugnaa koofur bari magaalada London.

Maxkamada Woolwich Crown ayaa dhageysatay dacwada raga midida lagu weeraray kadib markii uu ninka weerarka geestay uu arkay saaxiibtii hore oo TV la-daawaneysa Walsh-Drew arintaas oo isga ku dhalisay in uu midi wax ku dilo.

Delaney Barnett ayaa denbiga lagu helay isaga oo labaatan sano oo xarig ah loogu xukumay dilkii halka 14-sano oo kalana loogu xukumay isku day dil

Danbiilaha ayaa labada nin ku weeeraray dabaq ku yaalla Kingsley Wood Drive, Mottingham, iyada oo midiyada uu wax ku dilayna lashegay in uu ka qaatay koshiinka.

Mr Muzeremwi, oo agagarka ka dhawaa ayaa markii rabshadu bilaabaneysay ayaa isku dayay in uu saxiibkii tooreyda ka bad baadiyo hasa yeeshee arintaasi waxaa ay soo dedejisay geeridiisa.

Mr Walsh-Drew ayaa lashegay in u ka bogsooday dhaawicii ku soo gaaray weerarkii jacelyku sababay.

Barnett ayaa markii uu weerarka fuliyay waxa uu isu dhiibay booiska inkasa oo markii dabnbe uu sheegay in uusan danbi laheyn.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog