Dareemaha Jaceylka ayaa qalbiga
haweenka ku bilaaba in uu ku ciyaaro iyadoo rabitaankaasi xoogan oo ku aadan in
ay helaan qiso jaceyl oo ay ku noolaadaan ayay gabartu raadineysaa qof ay
weydaarsato jaceylkaasi ay rajeyneyso .
Marka la fiiriyo jaceylkaas waa mid
si weyn uga duwan jaceylka dhabta ah ee waara , mana yaqaanaan haweenka
jaceylka bilaawga uu ku yahay sirta jaceylka hadaba Newbanaadir ayaa ku siineysa
wax yaabaha muhiimka ee ay gabartu ka aqoon jaceylka .
1- Jaceylka Waa Mas`uuliyad : gabadha
ayaa marka ay ku jirto bilaawga jaceylka u haysata in jaceylka yahay hub ay
kula dagaalamayso qofkii cariiriya xorayadeeda una haysta in weli ay yar tahay
, balse gabdhaha jaceylka ku cusub waxa aysan garaneyn ayaa ah in jaceylka
yahay mas`uuliyad ,ogoow jaceylka waa qadarin , sameynta jaceyl dhab ah waxaa u
sal ah kalsooni iyo is fahan .
2- Jaceylka Waa Joogteyn : Jaceylka
waa hishiis laba qof ku balamayaan in ay fuliyaan dhamaan sharciyadiisa tanina
gabdhaha jaceylka ku cusub ayaan garaneyn una haysta kaliya in uu yahay is
weydaarsi erayada jilicsan balse waa mas`uuliyad intaas ka weyn .
3- Jaceylka Waa Ixtiraam : Jaceyl aan
laheyn ixtiraam waa geed aan miro laheyn , waana muhiim in gabarta jaceyl
cusubka ah ogaato , ogoow sida aad dooneyso in laguu ixtiraamo in adna lagaaga
baahan yahay
4- Jaceylka Waa Naf Hurid : Ogoow
jaceylka hadii uusan laheyn isu tanaasulid in uusan guuleysaneyn waligiis .
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
