Qiso Cajiib Badan Kaana oohin Doonto: Aniga Uun Baa Hooyadaa Ah “Ishaydii Ayaan Kuu Bixiyay”

Thursday, May 9, 20130 comments



Hooyadii waxay lahayd il kaliya. Maaddaama oo uu yaraan agoon ku noqday, wax ubad ahna ay kaligii lahayd oo uu ahaa madi, dantu waxay ku jujuubtay inay u shaqayso. Iyadda booskii hooyada iyo aabaha labada u buuxisay. Waxay nusaacaha ku hor iibin jirtay dugsiga hoose/ dhexe ee uu dhigan jiray.

Isaga, daranyada iyo laxaad la’aanteedu waxay ku ahayd calool-xumo joogto ah oo xiisadaha uu qaato, haddii ay maalintii shan yihiin iyagu ugu lix ahaa. Carruuray ba’! isagu ma dareemayaa jacaylka ay qalbigeeda ugu hayso, iyo heerka uu ka taagan yahay? Waa maya, oo sabi ayuu taa ka yahay xil iyo xisaab mid toona lagu lahayn.

Wakhtiga nusaacaha, marka uu hubiyo in arladu jaaqla tahay oo jaanta iyo jabaqduba yaraatay oo ardaydii fasalada ku noqdeen, ayuu si dusmo ah hooyadii ugu  yimaadaa, oo dhawr midh oo saanbuuse ah iyo sharaab ay si gaar ah ugu sii xushay dam ka siiyaa. Ma jecla in lagu arko isagoo ag jooga. Wuxuu ka sii neceb yahay in uu ag fadhiisto, iyadoo “hooyo” ku tidhaahda iyadoo ardayda qaar ka mid ahi ay ag joogaan.

Maalintii danbe, ayay ardaydii ku xoomeen, oo ay kaba dul-dhaqaaqi waayeen, waayo gaarinimadeeda iyo nadaafadda cuntadeeda waxay ku darsatay, cunto dhadhan leh oo loo muhdo. Waxay aragtay isagoo sheeda ka taagan, oo wajigiisa gaajo iyo safradi ka muuqato. Balse waa hooyo ee may iskaraysaa? Intay u gacan-haadisay oo cod dheer oo naxariis hooyanimo la dhibcaya, ayay tidhi, “Alla hoogi waayey! hooyo Hebelaw kaalay wax cun…saakana miyuu soo quraacdayba?”

Sidii oo ay lugteedu codkeeda ka dheeraynayso, ayay haddana qayladeedii qawaday oo intay taw tidhi, oo bagaashkii ka dul kacday ku haaday sidii oo ay horor ka ridayso. Wuxuu iska dhigay, waxaan maqlayn oo ka lala hadlayaaba isaga ahayn. Intuu sii jeestay ayuu markuu haddana arkay iyadoo ku soo maqan soo tallaaba-dheeraynaysa, orod cagaha wax ka dayey, oo dhagaha ka furaystay.

Cadho ayuu madoobaaday, oo maalintii nusaace iyo qadaba calool-xumaa seejisay. Kaaga sii darane, maalintii labaad markii uu fasalkii galayna mid ka mid ah ardaydii yaryaraa ee fasalkooda ayaa intuu soo orday ku yidhi, “Aalla hayaahaay! … eeen een…illeen habarta cawaran ayaa ku dhashay, soodigii gabadh kale odhan jiray waa ‘hooyaday’?” Haddana dhac buu sii yidhi, oo uu qarracmay oo niyadii dhaakadhaakada ahay dhalfiifaha noqotay. Gurigii markuu ku noqday ee hooyadii soo rawaxday ayuu isagoo ciil la ooyaya ku yidhi, “maxaad ciyaalka iigu hor ceebaynaysaa, iska dhimo, dhimo kuma rabo eh…” Laakiin waa sabi oo waxaasi laga qori maayo.

Waa nin magacyo badan—Maxamed Beel-Deeqaw, Maxamed-Baashaw—oo hooyadii maalinba mid gaar ah ugu yeedho, jacayl ay u qabto awgii. Balse hadduu weynaadayna isaga aragadeeda oo qudha ayaaba dhibaya. Haddana iyaba waa cibaaro eh, waxay kaga soo daba-wareegtay Dugsigii Sare ee uu dhigan jiray. halkaas ayay ardayda iyo macalimiintaba nusaacaha ugu samaysaa. Laakiin isagu waa isagii, waji-dadab  iyo niyo-xumo mooyee kalgacayl dhankeeda kuma daymoodo. Waa nin xarrago-badan, oo qotonkiisa iyo gashigiisa aanad malaynayn oo gacanta hooyadii mahadiyey.

Intaa wuu majiiran yahay, oo intuu bahal suun isku caymiyo ayuu iskala jarayaa, oo ardayda qurux iyo shaxshaxba ka dhex tilmaaman yahay. Inuu caawiyo oo hooyadii garab istaago daaye, xitaa in uu salaanta sharciga ah ka qaado ayuu kala masuugaa. Iyaduna way taqaanaa, oo illeen waa beerkeediiye, nusaacaha cid bay ugu soo dhiibtaa. Aftaagiisa iyo wajiga uu ka dadbanayo iyada waxa uga qaalisan, sharafta uu ardayda ku dhex joogo oo intay sheeda ka eegayso ee ay hadba dhoosha farxad naxariis leh kaga qoslayso. Waa nin weyn, oo haddii uu qaangaadhay oo waliba 20 ka ku dhaw yahay ma da’baa u hadhay? Loogu garaabi maayo carruurnimo. Balse isagu wuu isla saxsan yahay. Ardayda intooda badan, uma sheegto inay hooyadii tahay, gurigoodana mid kale ayuu ugu tilmaamaa.

Laakiin waa nin dadaala, oo aan qalankiisa iyo buugiisa wax kale oo u weheliyaa aanay jirin. Haddii laga tagi waayo, daawashada kubadda cagta ayuu ku baas yahay, oo taas ayaa u balwad ah.

Dadadaalkiisa waxa u dheer, sidii uu islaantan wareerisay mar uun uga ag tagi lahaa, ee uga madax-bannaanaan lahaa. Imtaxaankii form Four-ka ayuu u fadhiisatay. Nin dadaala ayuu ahaaye kaalinta saddexaad ayuu kaga soo gooyey, oo durba waxbarasho dibadeed ayaa loo diray.

Waa Engineer is-nacay, oo tadhahay oo lacagtiisu aanay istabin. Wuu guursaday, oo carruur ayaa u joogta. Hooyadii oo ay kala  raysteenmise waxa la inoo qaatay inooga nidhaahna wuu ka raystaye ayaa duhur albaabka uga soo gashay. Carruurtiibaaba sastay markay arkeen qofkan isha la’ ee gabawday ee danta iyo waayahu ka ciilbaxeen ee kuurkursanaysa. Intuu u soo baxay ayuu ku yidhi, iyadoo wali dibadii taagan, “Maadigiibaa wali I daba socda, I daa oo noloshayda iiga bax?” waxay ugu jawaabtay iyadoo sii socota, “Alla hooyo iga raali ahaada, waan idinku soo khaldamay oo reer kale ayaan ku socdaye!”

Barri danbe, ayay ardaydii ay dugsiga ka wada baxeen ku ballameen inay dugsigii ku laabtaan oo kulan ku qabsadaan. Wuu tagay. Markii kulankii dhammaaday, ayuu ilqoodha ka eegay halkii hooyadii wax ku iibiin jirtay. Isagoo iska daashadaashoonaya ayuu is-yidhi, bal soo eeg in “habartii waalnayd” wali joogto iyo in kale. Oo way madhan tahay meeshuye, oo xagay tagtay talaw? Islaan oo meel u dhaw dhawr shay la ag fadhiday ayuu warsaday. Waxay u sheegtay in islaantii dhimatay dhawr cisho ka hor, balse ay ugu dhiibtay “Warqad”. Warqadu waxay u qornayd sida tan:

“Hooyo, inankaan jeclaayaw,

Marka kasta waan kaa fakiraa. Waan ka xumahay maalintii aan carruurtaada ka sasiyey ee aan ku dhibay. Waxaan ku farxay maalintii aan maqlay ee la ii sheegay in aad dugsiga imanayso, laakiin cudur ayaa I daashadaye sarriirtaba madaxa kor waan uga qaadi kari waayey. Waan ka xumahay in barrigi aad yarayd aan noloshaada dhibaato aan ku ahaa. Barrigii aad yarayd ee aad biyaha ahayd, waad kuftay, ka dibna qori ayaa isha ka soo riday. Beerkaygii ayaad tahay illeene, waxa igu adkaaday il-la’aantaada, ka dibna ishaydii ayaan kuu bixiyey. Waxa aniga ii farxad ahayd oo iga badnayd, ilmahaygii oo aduunyadda laba indhood ku arkaya oo aan lagu caayeyn il-la’aantiisa.

Waliga Horumar kuwaar













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog