Dumarka Kama Helaan Fariimaha calaacalka ah ee ka fiirso wiilyahow marka hore…

Thursday, May 9, 20130 comments



Sanado badan oo saadaalin aan waday kadib waxaan isweydiiyaa maxaad u jeceshahay qof aanan ku jecleyn? maxaan uga fekerayaa qof aanan xitaa dareensaneyn jiritaankeyga?

Mowjadaha jaceylku waxaan ku baranaa samir iyo sugid labada,naftaada waxaad ka dhaadhicisaa in beri wax isbedeli doonaan,qalbigaan dikaamaya in uu heli doono wehelkiisa iyo rajooyin badan oo laga yaabo in aysan muuqan ififaalo ay ku rumoobi karto,Naf wax jecel indho iyo dhego malahan,ka waran marka naftaadu kugu amreyso inaad ku raadiso qofka ay ku qanacsan tahay la joogeeda? Ka waran marka xakameynta naftaada ay gacantaada ka baxdo? Indhahaagu aanan arkeyn cid kale shaqsigaas mooye.

Dareenka ugu xanuunka badan waa marka qofka aad jeceshahay aanu kula wadin ee uu ku sii jeedo shaqsi kale,murugo iyo tiiraanyaduna wehelkaagu noqdaan, kala fogaanshuhu wax macno ah malahan hadey jirto kalsooni iyo aaminsanan waxaa kaa xigo waa laba talaabo oo aad horey usoo qaado iyo waayaha oo ku garabgalo mooye.

Mararka qaarkood waa inaan u dulqaadanaa xanuunada qalbiga si aan u noqono kuwa ka kora dhibaatadiisa, waana inaan dhedheminaa qasaaraha si aan u ogaano qiimaha uu leeyahay waxa naga maqan.

Si fudud ayaan u dareemay in ay nafteyda ku tebeyso,laakin wey igu adkaatay inaan si fudud uga gudbo mahadhooyinka jaceyl ee aad igu reebtay, dad badan waxey i yiraahdeen kuuma qalmo ee iska ilow,waqtiguu kaa luminaayaa ee jaceylka yuusan ku ragaadinin, haseyeeshee hadaladaas oo dhan waa kuwa iska sahlan. yaa ogaan kara waxa ku jira qof kale qalbigiis.

Waan ku seexdaa xusuustaada iyo maalmihii macaana,waxaana maskaxdu ku cadaadiyaa inaaney xusuustaada iga faaqurin, waana ku soo toosaa subax weliba aniga rajo cusub qabo in maalin uun ogaan doonto inaan ku sugaayo.

Waan ku daalay sidaan isaga dhigaayey qof faraxsan oo ad adag marka hortaada taaganahay laakin markaan kala dhaqaaqno waxaan eedeyaa nafteeyda oo aan ku iraahdaa maxad ugu soo bandhigi weysay baahidaada hadana kuma dhiirado taas.








_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog