Dhacdadaan
ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Mahad iyo
Farxiyo , Mahad ayaa ka sheekeeyay qisadaan oo mid murugo xamabarsan ah.
Waxaan
ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada madiina,
halkaasi ayaana kusoo barbaaray, kuna soo wax bartay, isla-markaana gabadha aan
ifka ugu jeclaan doono ee FARXIYO ee waxaanu isla wada degneed degmada madiino
ee gobolka Banaadir.
FARXIYO
waxay kamid ahayd hablaha degmada Madiino ee sida gaarka ah ee aan u xiiseen
jiray, inkastoo ay dadkaasi oo dhan ay FARXIYO iga dhaweyd, waxaana jeclaan
jiray inaan markasta la-sheekeysto, la-kaftamo, la-qoslo, waayo waxay ahayd
gabadha kaliya ee dhex degtay qalbigeyga.
Muddo
kadib ayaa waxaan dareemay inaan jaceyl culus u qabo FARXIYO, hadana waxaan
kari waayay inaan u sheegto jaceylka aan u qabo, aniga oo ka baqdin qabay inay
igu tiraahdo “Iga Raali Noqo Waxba Kuma Qaban Karaayo, Ama Waxaa Tahay Walaalkey
ee iga xishood”, taasi ayaa waxay keentay inaan jaceylkayga sheegan kari waayo.
Waxaan
fursad shaqo aan ka hellay dalka Koonfur Afrika oo ay ku noollaayeen wiilal ila
dhashay, sidaasi ayaana ku yimid dalka Koonfur Afrika oo aan iminka ka
xamaasho, laakiin markaan muddo joogay Koonfur Afrika ayaa waxaan xiriir gaaban
aan la-sameeyay FARXIYO oo iyadu iskaga soo tagtay magaaladda Muqdisho, waxayna
markaasi ay ku sugneed magaaladda Nairob ee dalka Kenya.
Xiriirkayna
ayaa wuxuu ku dhisnaa Internet iyo Teleefan, hase ahaatee waxaan aad u badiyay
xiriirkayni, waxaana muddo kadib aan u soo bandhigay inaan jeclahay, nasiib
wanaag waxay igu soo dhaweysay gacmo furan.
Waxaa
aniga iyo FARXIYO inoo bilowday jewi ka duwan kii hore ee baqdinta ku dhisnaa,
waxaana kala helnay kalsooni balaaran, waxaan noqonay laba ruux oo ay si weyn
iskugu baxdo, waxaana xilliyada qaarkood aan ka sheekeysan jirnay markii aan
joognay degmada Madiina iyo sida aanu isu xiiseen jirtay.
Farxiyo
waxay noqotay gabadha kaliya ee aan markasta ku taami jiray, ku faani jiray,
igu bixi jirtay, waxaana dhihi karaa FARXIYO waxaa weeye boqoradii dumarka
Soomaaliyeed oo idil, waayo waxay igu abuurtay jaceyl igu xidideystay, hase
yeeshee maxaa dhacay?.
Aniga
iyo iyada oo si weyn isu jaceyl, misena ay isku kaaya baxdo, ayaa waxaan ka war
hellay iyadoo si weyn isku badashay, welibana anigoo aan waxba ka sameyn, waxna
u dhimin waxna u geysan, waxaan dareemay markasta oo aan teleefanka ka waco
in’ay wejiga ii badasho, marka aan rabo inaan la-sheekeysto inay sheekada meel
kale u badasho, markaan damco inaan kala hadlo wax-yaabaha aan tabanaayo
inaysan waqti i siinin, iyadoo ay sidaasi tahay ayaa waxay bilowday inay
teleefanka igu damiso, amaba aysan teleefanka iga qaban.
Waxaan
sameeyay talaabo kasta oo aan farxiyo ku qanci karo, ama aan kula hadlo karo,
waxaan u diray boqolaal Emailo ah, hase yeeshee ima soo jawaabeyso, intaasi
kadib waxaan waayay wado kale oo aan ku hadli karaayo Farxiyo, hase yeeshee
haddii ay fursad ii siin laheyd halmar inaan su’aal weydiiyo, ayaa waxaan
weydiin lahaa oo qura “Wax yaabaha keenay inay sidaan ii gashao, amaba ay ila
dhaqanto”?
Ilaa
iyo hada waxaan isweydiiyaa sababaha ay farxiyo sidaani igu galeyso, weliba
midda kaliya ee i dhibtay, amaba aan ka jooggi waayi ayaa waxay tahay aniga oo
aan waxba ka sameyn, sababaha ay sidaani igu sameyneyso, akhriste dabcan tanoo
kale haddii ay kusoo mari laheyd waad dareemi kareysaa, xanuunka ay leedahay,
hadaba waxaan kaa codsan lahaa inaad ila soo taliso.
Waxaa
Qoray
Nuur
Ismail Sheikh
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
