Maxaad Ka Taqaana Haweenayda Warbaahinta Ugu Magaca Dartay Wasiirka Ugu Quruxda Badan Iyo Waddanka Ay Ka Tahay? + Sawiro Shidan

Thursday, May 2, 20130 comments


In badan ayaad akhriste maqli jirtay wasiirka ugu awooda badan, ka ugu firfircoon, midka ugu safarka badan iyo ka ugu hadalada dhiiran ama ugu lacagta badan, hasa yeeshee wali sidaan filayo maynaan maqal wasiirka ugu quruxda badan, in warbaahintu Isticmaasho.

Haddaba waxa magacaas ama halku dhegaas nasiib u yeelatay gabadh u dalatay dalka Venezuela ee koonfurta Amerika, Gabadhan oo hore u ahaan jirtay ciyaar yahanad dalkeeda bilado uga soo hoysay, tartamadii Olympic-ga ee lagu qabtay, London, Beijing Iyo Athena, laguna magacaabo Alejandra Benitez, oo 32-jir ah, waxa uu madaxweynaha cusub ee dalkaas, Nicolas Maduro, dhawaan u magacaabay inay noqoto wasiirka ciyaaraha ee dalkeeda.

Taas oo noqonaysa wasiirkii ugu horaysay ee haweenay ah ee taariikhda dalkaasi yeesho.

Wasiiradan cusub ee reer Venezuela ayaa labadii jeer ee Olympic-ga dunida lagu kala qabtay dalalka Geriiga iyo Shiinaha mid walba ku guulaysatay bilad dahab ah oo ay dalkeeda uga soo hoysay, ciyaarta seefaha elegtarooniga ah ee dadku iyagoo wada daboolan ay ciyaaraan.

Si kastaba ha ahaatee Alejandra Benitez, waxa ay noqotay wasiirkii ugu horeeyay dalkeeda ee haweenay ah, halka in badan oo ka mid ah warbaahinta reer galbeedku kaga tilmaameen inay noqotay ama ku naanayseen, wasiirkii ugu quruxda badnaa dunida.

DAAWO SAWIRADDA:-









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog