Waxaa
si rasmi ah uga furmay maanta magaalada London ee caasimadda dalka Britain
shirka caalamiga ah ee London oo arimaha Soomaaliya quseeya ayadoo shirkaasina
ay si wadajir ah u shir gudoominayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isulwasaaraha dalka Britain
David Cameroon.
Shirka
ayaa si rasmi ah uga furmay guriga Lancaster house ee magaalada London waxaana
kasoo qeybgalay madax ka kala socota in kabadan 50 dowladood oo caalamka ah
waxaana uu u jeedada shirkaasi ay tahay in Soomaaliya ay caalamku si wadajir ah
u taageeraan ayadoo laga taageerayo qorshayaasha Dowladdu u dejisay hormarinta
dhinacyada ammaanka,garsoorka,dib u dhiska iyo dhaqaalaha.
Ra’isulwasaaraha
Dalka Britain David Cameroon oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa hadalkiisa
ku bilaabay in Rajada Soomaaliya ay weli nooshahay oo ay ka bidhaameyso waxaana
uu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in dib loo dhiso Soomaaliya si looga maarmo
safar baaxad weyn oo ay dadku Soomaaliya u galaan iyo in la helo meel
argigixisada loo dhoofiyo.
“Amniga
Soomaaliya waxa uu qeyb ka yahay ammaanka caalamka oo dhan Soomaaliya waxaa ka
jira argigixiso,burcad badeed iyo dhibaatooyin kale waxaasi oo dhanna waa kuwo
ka dhashay dayacaad beesha caalamku ay ku sameyso Soomaaliya mana dooneyno in
qaladkaasi markale la galo”ayuu ku yiri khudbaddiisa Ra’isulwasaare David
Cameroon.
Ra’isulwasaaraha
dalka Britain David Cameroon oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qaabka ay
tahay in xiligan Soomaaliya loo taageero oo ay caalamku u taageeraan waxaana uu
yiri” in ayada oo si wadajir ah loo taageerayo Soomaaliya waxeynu hirgelin
karnaa qorshaha amni ee ay la timaado Dowladda Federaalka
Soomaaliya,qorshahaasina waa dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee
Soomaaliya,taasi waa mida soo afjari doonta falalka argigixisanimo ee ururka
Al-Shabaab”
Ra’isulwasaare
David Cameroon ayaa madasha ka dhawaaqay yabooh dhaqaale oo ay Dowladda Britain
ku taageereyso Soomaaliya oo kala ah:-
Toban
Milyan oo geniga Istarliinka ah oo la siinayo Ciidammada Qalabka Sida ee
Soomaaliya iyo in ka badan 14Million Geni oo la siinayo hay’adaha iyo Garsoorka
iyo Cadaalladda.
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isaguna
kulankaasi shir gudoominayey ayaa madasha ka jeediyey khudbad uu ugu horeyn uga
hadlay hormarrada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaartay gaar ahaanna
hormarrada laga gaaray dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda waxaana uu
Madaxweynaha xusay inay lagama maarmaan tahay taageerro xiligan ay beesha
caalamku wadajir u siiyaan Soomaaliya ayadoo laga taageerayo ammaanka oo ay ugu
horeyso la dagaalanka argigixisada Al-Shabaab iyo in dowladda laga taageero
hormarinta dhinacyada garsoorka,Garsoorka iyo dib u habeynta dhaqaalaha.
“Dowladdu
waxey gaartay guullo aad u farabadan oo dhinacyada ammaanka iyo siyaasaddaba
isugu jira waxaana xaqiiqo ah in dhammaan guullahaasi ay ku yimaadeen
taageerrada iyo kalsoonida ay beesha caalamku u muujiyeen Soomaaliya oo ah mid
dhameystiran sida inoo muuqata, waxaan jeclahay inaan dowladda Britain iyo
Ra’isulwasaare David Cameroon uga mahad celiyo hirgelinta shirkan baaxada
leh”ayuu ku yiri khudbadiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka
kale ka hadlay maalgashi ay xiligan beesha caalamku ku sameeyaan Soomaaliya
waxaana uu xusay in Dowladdu ay gacma furan kusoo dhaweyneyso cid walba oo
dooneyso iney dalka Soomaaliya maalgashi ku sameyso.
Madaxweynaha
oo ka hadlay dhinaca ammaanka ayaa tilmaamay in guul laga gaaray dagaalka
lagula jiro Maleeshiyaadka kooxda argigixisada ah ee Al-shabaab waxaana uu
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xusay iney lagama maarmaan ay tahay in si
guulahaasi ay usii socdaan dowladda laga gacan siiyo dib u dhiska Ciidammada
Qalabka Sida si ay awood buuxda ugu yeeshaan bur burinta argigixisada
Al-Shabaab,sidoo kalena waxa uu Madaxweynaha xusay xiriirka ku dhisan deris
wanaaga iyo iskaashiga ee ay Dowladda Federaalku la leedahay dalalka deriska la
ah.
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele oo
isaguna madasha khudbad ka jeediyey ayaa ammaanay isbedellada hormarineed ee
xiligan ka jira gudaha dalka Soomaaliya oo ay ku talaabsatay Dowladda
Federaalka Soomaaliya waxaana uu Madaxweyne Geele xusay lagama maarmaannimada
iney caalamku si wadajir ah u taageeraan Soomaaliya xiligan.
Madaxweynaha
Uganda Uweri Museveni oo isaguna khudbad ka jeediyey madasha ayaa xusay in
Dowladda Uganda ay had iyo goor garab taagantahay Soomaaliya taageeradaasina ay
qeyb tahay Ciidammada ka socda dalkiisa ee ku sugan Soomaaliya waxaana uu
Madaxweyne Museveni xusay in taageeradaasi ay Dowladda Uganda sii wadi doonto.
Ra’isulwasaaraha
Ethiopia Hayle Mariam Disale oo isaguna khudbad ka jeediyey madasha ayaa ku
dheeraaday hormarka xiligan ka jira Soomaaliya waxaana uu Ra’isulwasaare Mariam
xusay hadii caalamku ay si wadajir u taageeraan dib u dhiska iyo hormarka
Soomaaliya, dowladiisana ay wadashaqeyn dhow oo ku dhisan iskaashi iyo deris
wanaag ku dhisan la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyaha
cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyata oo isaguna madasha khudbad ka jeediyey ayaa
tilmaamay in dowladiisa cusub ay aad u garab taagantahay hormarka uu caalamku
la garab taaganyahay Soomaaliya waxaana uu codkiisa ku biiriyey in caalamku ay
si wadajir ah xiligan usii taageeraan Soomaaliya.
Hadaba
Yaboohyada dhanka dhaqaalaha ah ee shirka laga muujiyey ayaa kala ah:-
Midowga
Yurub 44 Million Euro oo lacagta Yurub ah waxaana lacagtaasi loogu talagalay
hormarinta dhinacyada ammaanka iyo cadaalladda.
75Million
$ dowladda Denmark dhinacyada hormarinta cadaalladda.
Dowladda
Mareykanka 40 Million $ oo doolarka Mareykanka.
Turkiga
10 Million $ oo dollar dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.
Qatar
18 Million $ oo dollar.
Dhammaan
yaboohyadan waxey hordhac u yihiin yabooh dhaqaale oo ay caalamku wadajir ugu
taageeri doonaan hormarinta dib u dhiska Soomaaliya ayadoo taageradaasi inteeda
badan la filayo in caalamku ay ku muujiyaan shir bisha September ee sanadkan ka
dhici doona magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.
Hadaba
warmurtiyeedka kasoo bixi doona gebagebada shirka oo Radio Muqdisho uu si
hordhac ah u helay ayaa qodabada ku xusay waxaa ka mid ah:-
Bogaadin
loo jeediyey Guullaha siyaasadeed ee dowladdu gaartay dhinacyada siyaasadda iyo
ammaanka oo ay ugu horeeyaan ka gudbidii KMGka iyo doorashooyinkii dalka ka
dhacay.
In
Al-Shabaab la dagaalankeeda la dhameystiro oo ay caalamku wadajir uga qeyb
qaataan.
Dhameystirka
Dastuurka qabyada
La
dagaalanka Bucadbadeedda iyo dib u habeynta Garsoorka
In
dowladda laga gacansiiyo fulinta qodobada u degsan si dalka ay u gaarsiiso
2016doorasho
Soo
dhaweynta wadahadallada DFS iyo Somaliland
Hirgelinta
Federaalka oo si wadajir ah loo taageeray sida ay dowladdu u wado.
In
la siiyo Dowladda taageerro dhaqaale oo caalami ay ayadoo la sameynayo sanduuq
ay wax ku wada ridaan bankiga aduunka iyo hay’adaha caalamiga iyo dalalka
deeqaha bixiya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com