Gabadh Ingariiska u dhalatay oo lagu magacaabo Jaki Ston ayaa xiran jirtay Muraayadaha Indhaha ama Ookiyaale, waxayna taas ka dhaxashay Xanuun daran oo Indhaha kaga dhacay, dabadeedna sababay inay mid ka mida Indhaheedii halkaas ku waydo.
Jaki ayaa Isheeda bidix waxaa kaga dhacay Xanuun daran uddo 5 Bilood ka hor ah, ka gadaal markii ay xiratay Muraayadaha Indhaha, iyadoo markaa ka dibna uu Xanuunkii kusoo kordhay, taasina ay horseeday in Bu’da Isha ama halka dhexe ee wax laga arko laga bixiyo si aanu Xanuunku ugusii kordhin oo Maskaxda ugusii faafin.
Dhaqaatiirta ayaa cabsi ka muujiyay in Xanuunkani uu usii gudbo Isha kale oo iyadana markaas ay noqonayso in la bixiyo.
Waxaa xusid mudan in Gabadhani ay Kaaliye Macalin oo Maadada Xisaabta ka ahayd Iskuul, waxayna aad ugu caan ahayd xirashada Muraayadaha waliba kuwooda qurxoon oo ay ku labisan jirtay.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com