Warbaahinta Carabta iyo kuwa Islaamka intooda badan ayaa hadal haya Fal ay ku
kaceen Kooxo hubaysan oo Syria jooga, kuwaas oo faagay Qabri uu ku aasanyahay
Saxaabi ka mid ah Asxaabtii waa wayneyd ee Nabigeena (NNKH) isla markaana la
baxay Meydkii Saxaabiga.
Kooxaha
Hubaysan ayaa faagay Qabriga Saxaabigan oo lagu magacaabo Xajar Binu Cadiyi
(Ilaahay haka raali ahaadee), wuxuuna Qabrigu ku yiilay Deegaanka Cadra oo ah
Baadiyaha Dimishiq.
Meydkii
ayeey la bexeen, waxayna ku aaseen Meel kale oo aan la garanayn sida
Warbaahintu ay kasoo xigatay Ilo-wareed Xog ogaal ah.
Kooxda
ayaa sida la sheegay waxay burburisay oo ay si xun u gashay Halkii uu Meydku ku
aasnaa.
Arrinta
lala yaabay oo Warbaahintuna ay hadal heyso waxay tahay in Kooxdii Meydka
faagaysay ay heleen Meydka Saxaabiga oo la moodo in Daqiiqado ka hor un la
aasay, marka la eego sida aanu Jirkiisu wali isku badalin, inkastoo Waqti Kun
Sano ku dhaw uu aasanyahay.
Warar
lagusoo qoray Barta Xiriirka Bulshada ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in
Ciidamada Xorta ah ee Syria ay faageen Qabriga ka gadaal markii halkaas ay
noqotay sida lagu yiri Wararkaas Goob Xarun u ah Shirkiga iyo Falalka Ilaahay
uusan raali ka ahayn, iyadoo Saxaabigana lagu tilmaamay mid ka mida Tiirarka
Shiicada sida ay Warbaahintu kasoo xigatay Bartaas Twitter-ka.
Culimo
badan oo Muslimiin ah ayaa dhaleeceeyay Falkan lagu xumeeyay Meydka Saxaabiga.
Saxaabigan
waxaa lagu magacaabaa Xajar Binu Cadi, waxaana lagu naaneysaa Al-Adbari ama Abu
Cabdiraxmaan.
Sidoo
kale waxaa loo aqoon jiray Xajar Al-Kheyr, isagoona Rasuulka Caleeyhi Al-Salaam
la kulmay intii uu noolaa, kana qayb galay Dagaalkii Al-Qaadisiyah.
Markii
Muslimiintu kala qaybsameen Xilligii Imaam Cali Ibnu Abi Daalib, wuxuu
Saxaabiga la safnaa Imaa Cali, waxaana Sanadkii 51 ee Hijiriyada dilay
Ciidamadii Mucaawiya Binu Abi Sufyaan ee la dirirayay Imaam Cali.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
