Haweeney
Cunsuriyad weeyn ah oo Turkida dili jirtay oo Waji xumadeeda Maxkamad la soo
taagay (Daawo dadkii ay leeysay Muuqaal ahaan)
Kiis gil gilay gudaha dalka Jarmalka loona diiday Saxaafada inay soo xaadirto
ayaa waxa uu ka bilaabmay Maxkamada dacwad dhageeysiga OLG oo ku taala magaalada
Munchen ee dalka Germany .
Haweeneey
lagu sheegay Cunsuriyad gamuurtay oo dili jirtay Turkida ka shaqeeysata gudaha
dalka Jarmalka ayaa Maxkamada la soo taagay waxaana loo heeystaa iyada iyo
Guruubkeeda cunsuriyiinta ah (Rechtsextremen) dilka dad fara badan.
Haweeneeydaan
Cunsuriyada ah ayaa ka dambeeysay dilka 8 Ruux oo Turki ah iyo Nin Giriig ah
iyo waliba gabar Askariyad ah oo dadka Ajaanibta ah jecleed. Dadkaan faraha
badan ee la laayay ayaa waxaa si gaadmo ah loo kala qaarajiyay intii u
dhaxeeysay sanadihii 2000 ilaa 2006.
Qooysaskii
dadka laga laayay ayaa soo hor dhoobtay Maxkamada horteeda kuwaas oo dil ugu
hanjabay Haweeneeydaan naxariista daran ee naceeybka daran u qabtay dadka aanan
u dhalan dalka Germany gaar ahaan Turkida faraha badan ee ka shaqeeysata gudaha
dalka Germany.
Halkaan ka Daawo Haweeneey cunsuriyad ah oo Dili jirtay Turkida ka shaqeeysata Jarmalka oo Maxkamad la soo taagay
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
