Ninak
uma sahlana in uu dareenkiisa isla markii ugu xog warama xaaskiisa balsa waxaa
jiro astaamo aad ku garan karto in ninkaaga uu ka caajisay ama uu ka qaaday
boring in uu kula sameeyo galmo.Labada
qof ee is qabta ma ahan markasta kuwa isla joogteeya galmada ama markasta ku
taagan in ay isla galmoodaan xili kasta, inkastoo ay ku xirantahay baahida ka
dhexeesa labada qof balsa waxaa jiro ififaalo kuu muujin kara in ninkaaga uu ka
caga jiidayo in uu galmo kula sameeyo, naga gudoon tilmaamaha aad ku garan
karto wax yaabaha aan kor ku soo xusnay :-
1. Ninkaaga oo isla markii isku badala sidii qof kuugu cusub:
waxaad ku baraarugi doontaa wax yaabo badan oo isbadal ku yimid dhanka
ninkaaga, dhanka hadalka iyo farxada ayuu lumiyaa ninka isaga oo kuugu
soo eega markasta waji aan farxad laheen
2. Ninkaaga oo ka soo daaho gogosha :
xiliyada hurdada ama jiifka ninkaaga sidii hore kuma ahan in uu xiliga u
caadada aheed in uu soo seexdo goobta jiifka waxaa dhacda in uu
waqtigiisa kulumiyo daawashada aflaanta ama dhageesiga waxyaabo kale
isaga oo ku dhaho waan soo seexan wax yar kadib.
3.Xod xodasha hadalka oo aan ku socon:
markii lawada tago goobta jiifka hadalada hordhaca ee sababi karo
dareen abuurista waa kuwa aan wax dareen galin ninka, inta badan raga
ayaa usii jeesta dhanka kale iyaga oo duudka xejiyo xaasaskooda taas oo
ku dhigan in hadalkaaga iyo hoosha aad ka dooneesay ninkaaga in uusan u
diyaarsaneen.
4.Damaca galmada oo aan aheen sidii hore :
isbadal lixaad leh ayaa ku yimaada markii uu ninkaaga ka caajiso in uu
dhankaaga usoo jeesto, xiliyada damaca isaga ugaarka ahaa ayaad ka wayn
doontaa goorta uu kaa caajiso ninkaaga.
Fadlaan ilaali xigashada qoraaga
W/Q : Daalac Daahir Shoot
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
