WAR AAY MUSLIMIINTA KU FARXEYN:-Shirkadda Google oo u Aqoonsatay Falastiniyiin Dal Madaxbannaan.

Tuesday, May 7, 20130 comments


Shirkadda Google oo ka mid ah shirkadaha ugu caansan internet-ka ee macaluumaadka laga baaro, ayaa u aqoonsatay Falastiin dawlad iyo dal madaxbannaan, iyagoo magacii hore ee ay u diiwaangelisay oo ahaa dhulka Falastiin u beddeshay Qaranka Falastiin.

Go’aanka shirkadda Google qaadatay ayaa ka dambeeyey kadib markii Qarammada Midoobay bishii November ee sannadkii 2012 soo saareen qaraar Falastiin xubin-sharafeed lagaga siiyey UN-ta.

Qof kasta oo gala cinwaanka ah www.google.ps wuxuu si toos ah u arki karaa magaca Falastiin oo Carabi ah oo si toosa ugu barbar qoran halka macluumaadka laga raadiyo.

Afhayeen u hadlay Google oo la yiraahdo Nathan Tyler, ayaa isagoo arrintan ka hadlayey waxa uu yiri ‘’Waxaannu magacii ahaa Dhulka Falastiin ku beddelnay Falastiin. Waxaannu la tashannay ilo kalsooni lagu qabo oo badan oo nagu taageeray inaannu Falastiin dal ahaan u aqoonsanno. Arrintan waxaannu ka soo maanguurinay Ururrada Qarammada Midoobay, ICANN, ISO iyo ururrada kale ee caalamiga ah’’.

Go’aanka Qaramada Midoobay xubin-sharafeedka ku siiyey dawladda Falastiiniyiinta wuxuu kor u qaaday fursadda Falastiin lagu aqoonsan karo, waxaanay waddamo badan danaynayaan inay u codeeyaan sidii xuduudaha Isra’iil ka haysato Falastiin dib loogu celin lahaa halkoodii hore, loona kala xadayn lahaa dhulka muranku ka taagan yahay.

Dawladda Isra’iil markasta waxay ku dedaalaysaa sidii ay meesha uga saari lahayd aqoonsiga soo dhow ee Falastiin, waxaanay iskaashi xulafaysi ah la samaynaysaa dalalka ay isugu dhow yihiin ee Yurub iyo kuwa neceb-ba.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog