Waxaa Daqiiqad kahor Hotelka Tropical Village ee Degmada Dyaniile gaaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno sar sare oo katirsan Dowlada Soomaaliya .
Hotelka waxaa xiligan kusugan Boqolaal Dadweyne ah kuwaa oo sacab iyo mashxarad Madaxweynaha iyo Xubnaha la socda kusoo dhaweeyay , Shacabka Reer Daymiile ayeyna Maanta Wajiyadooda waxaa ka muuqda farxad gaar ah maadaama madaxweynaha maanta u tahay Markii ugu horeesay uu Dayniile gaaro Xaflad soo dhaweyn ahna loogu sameeyo.
Waxaa Hada Degmada Dyaniile kasocota Munaabada balaaran oo lagu soo dhaweenayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Maamulka Cusub ee Degmada Dayniile oo dhawaan la magacaabay waxaa sidoo kale Goobta Munaabada kasocoto kusugan Xuldhibaan iyo masuuliyiin tiro badan oo Dowlada katirsan.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale ayaa la filayaa in khudbad ka jeediyaan Munaasabada soo dhaweynta ee xiligan kasocota Degmada Dayniile gaar ahaan Hotelka Caalamiga ah ee Tropical Village.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
