Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta ka qeyb galay Munaasabad balaaran oo ka dhacday Gudaha Degmada Dayniile laguna soo dhaweenayay Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Munaasabada maanta ka dhacday Degmada Dayniile oo aheed tii ugu balaarneed ee Mudooyinkan lagu qabto Degmadaasi ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya , Xildhibaano , Saraakiil , Wax garad iyo Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee Degmada Dayniile..
Munaasabada waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya iyo qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed kuwaa oo intooda badan ka hadlay Marxalada dalka iyo sidii Degmada Dayniile loo hor marin lahaa ayna wax ula qeyb san laheed Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad Gudoomiyaha Odayaasha Beesha Hawiye ayaa halkaasi ka hadlay waxa uuna sheegay in Degmada Dayniile ee tahay Degmo baaxad weyn oo muhiim ah , waxa uuna Madaxweynaha soomaaliya ugu baaqay in Degmada Dayaniile uu ka dhigo labo Degmo.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Qaar kamid ah Dadka Degmada Dayniile Degan kuwaa oo Madaxweynaha u gudbiyay Cabashooyin badan oo ugu horeeso in Dowlada ee iska indha tirtay Degmada Dayniile ayna u baahan yihiin in Dowlada ee Degmada ka fuliso adeegyo Hor marineed.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo isna Khudbad ka jeediyay Munaasabada ka dhacady Degmada Dayniile ayaa ka farxiyay Shacabka Dyaniile waxa uuna u sheegay in Dowladiisa ee muhiimad gooni ah siinayso Degmada Dayniile , waxa uuna intaa ku daray in dhawaan Dowlada Degmada Maamul cusub usoo dhistay sidoo kale shalay Wasiiro katirsan Dowlada Degmada Dayniile munaasabad kaga qeyb galeen maantana uu isagu joogo , waxa uunta intaasi raaciyay in dowladda ay u dajisay qorshe lagu hormarinayo dhawaane ay bilaabeyso iyadoo laga bilaabayo dagmada Daayniile ee gobolka Banaadir..
Madaxweynaha ayaa aad u amaanay Shacabka Degmada Dayniile ku dhaqan uu sheegay in ee tir tireen Muuqaal aan qurxooneen oo Degmada laga heestay kaa oo ahaa dhibaatooyinkii Kooxda Al-Shabaab ka geesteen Degmadaasi intii ee joogeen iminkana Muuqaal kii hore ka badalan Degmada uu ku arko uuna ku aamanayo dadka dagan , .
Waxa uuna xusay Madaxweynaha in Dowlada Federaalka Degmada Dayniile ka hir galin doonto waxyaabo kala duwan oo dan u ah dadka Deegaanka ayna ka faa’iideesan doonaan ,waxa uuna Shacabka ku dhaqan Degmada ugu baaqay in ee garab istaagaan Dowlada Soomaaliya kana shaqeeyaan amaanka iyo isku duubnida.
Shacabkii ku sugnaa Madashii Madaxweynaha ka Khudbeenayay ayaa kusoo dhaweenayay Madxaweynaha hadaladiisa Sacbis iyo mash xarad iyagoona muujiyay dareenka iyo rabitaanka Dowlada ayna diyaar u yihiin garab istaga dowlada Federaalka Soomaaliya.
Waa markii ugu horeesay uu Madaxweynaha Soomaaliya uu tago Degmada Dayniile uuna ka qeyb galo Munaasabad balaaran oo lagu soo dhawenayay Madaxweynaha sidoo kalana lagu taageerayay Dowlada Federaalka Soomaaliya.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
