Maxkamada Sare Ee Magalada Port Elizabeth Ee Gobolka Eastern Cape Ayaa Xukun Xabsi Da,in Ah Ku Riday Nin South Afrikan Ah Oo Lagu Helay Danbi Ah In Uu Si Arxan Dara Ah U Dilay Islamarkaane Uu Kufsaday Muda Haatan Laga Jooga 10 Bilood Gabar Soomaali Ah Oo Xaamilo Aheyd Oo Ku Noleeyd Degaan Yudnig Magalada Port Elizabeth,
Danbiga Dilka Ah Ee Ninkan Lagu Helay Ayu Maxkamada Horteeda Ka Qirtay Walow Uu Diiday In Uu Sheego Labada Nin Ee Kale Oo Dilka Qeyb Ka Ahaa Kuwasi Oo Gabadha La Dilay Xili Habeen Fiid Ah Ay Ugu Dhaceen Gurigeeda Oo Kaligeed Ay Ku Sugneyd,
Hasa Ahaatee Qareenada Difaacaya Ninkan Eedeysanaha Ah Ayaa Ku Dooday In Aysan Xaq Aheyn In Xukun Xabsi Da,in Ah Lagu Xukumo Ninka Balse Waxay Ku Doodeen In Uu Yahay Nin Caruur Iyo Xaasba Leh Islamarkane Uu Qoyskiisa Ka Joga Kaligiis Uun Uso Shaqeeyo Hadii La Xukumana Ay Xaalad Xun Laso Darsi Doonta Qoyskiisa Oo Aysan Jirin Cid Kaalmeyneysa.
Lakin Gudoomiyaha Maxkamada Sare Iyo Xeer Ilaaliyasha Guud Ayaa So Bandhigay Ducomentiyo Cadeeynaya In Ninkan Eedeysanaha Oo Lagu Magacaabo ashley whitt boy Uu Danbiyo Wa Weyn Ka Galay Gobolka Sida Cadeyn Lagu Helay Oo Aheyd In Uu Horay Ugu Ganacsan Jiray Muqadaraadka Nooca Maandoriyaha Islamarkane Uu Kamid Ahaa Rag Si Weyn Lo Doon Donanay Muda Dheer,
,Sharciga Ayaa Dhigaya In Hadii Qofka Lagu Helo Danbi Ah In Uu Guri U Dhacay Lagu Xukumayo Islamarkane Uu Dhac U Geeysta Hantida Taala Guriga 15 Sano Hadii Uu Qof Dilana Xabsi Da,in Hadii Muqadaradne Lagu Qabta Xabsi Bilo Ama Sanad Ah Sidaasi Waxa Gobta Maxakamada Ka Cadeeyay Gudoomiyaha Maxkamada Isagona Isla Markiiba Xukunka Xabsiga Ah Ku Riday Ninka Eedeysanaha Ee Dilka Naxariis Darada Ah U Geeystay Bishii 14-Sep-2012 Alla Ha U Naxariistee Nasro Qamaan Oo Laheeyd Uur 9 Bilood Ah,
Ugu Danbeeyntii hoolka Maxkamada Ee Xukunka Ka Dhacayay Ayaa Waxa Buux Dhaafiyay Dadweyne Farabada Oo Soomaaliyed Kuwa Oo In Muda Ahba Sugayay Xukun Cadaalad Ku Saleysan Oo Lagu Qaada Ninka Dilay Gabadha Soomaaliyed Ee Xaamilada Aheyd Waxana Sido Kale Maxkamada Jogay Yusuf Qeyb Diid Abdirahman,Oo Ahaa Ninka Qabay Gabadha Sida Arxan Darada Ah Loo Dilay, Dhamaan Waxay Si Aad Ah Uso Dhaweeyn Xukunka Xabsi Da,inka Ee Lagu Riday Gacan Ku Dhiiglaha Dilay Gabadha Soomaaliyeed,
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com