Cabdi Kariim Xuseen Guuleed, Wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka qaranka Soomaaliya, ayaa waxa uu si layaab leh oo aan siyaasad lagula leexan uga hadlay arinta ku aadan maamulka Jubaland ee dhawaan Axmed Madoobe sheegtay in uu ka hir geliyay Kismaayo.
“Maamulada la dhisay inta ay jirto xukuumadaan ma aha kuwa dowladu aqoonsantahay. Waxa ay ka dhiganyihiin ilma sharci la’an dhashay. Dowladu marnaba ma aqoonsan doonto dhamaan wixii shaci darro ah”, wasiirka ayaa ku waramay mar wax laga weydiiyay sida ay dowladu u aragto maamulka Axmed Madoobe ee Kismaayo looga dhawaaqay.
Dadka sida aadka ah u falanqeeya hadalada qayaxan ee saxaafada laga baahiyo iyada oo koox si gaar ah loo bar-tilmaamedsanayo ayaa waxa ay iftiimanayaan in hadalka wasiirka ee ah in ilma sharci la’aan dhashay iyo maamul dad badani ku daaleen uu dhalin karo khilaaf hor leh.
Hadalka wasiirka ee ah in aysan jirin wax layiraahdo mamaul gobaled la dhisay intii ay jirtay dowlada Xassan Sheekh Maxammuud ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo dhawaan Kismaayo looga dhawaaqay maamulka lamagac baxay Jubalanad ee Axmed Madoobe hogaamiyo , kaasoo ay doorteen shacab Soomaaliuyeed oo kor u dhaafaya 500 oo ruux oo odey dhaqameedyo la xushmeeyo ku jiraan.
Waxaa sidoo kale maalmahan isa soo tarayey dadka sida weyn uga soo horjeeda Abdikariim Xuseen oo ah wasiirka haatan loogu neceb yahay golaha wasiirada ee xukuumada Daamu jadiid ee Xasan Culusow hoos tagta. Waxaana hadaladani yihiin kuwo dhaawacaya guud ahaan akhlaaq hadalka mas’uuliyiinta sar sare ee dalka oo ay ka turjuman tahay dadka ay shaqada u direen nooca ay yihiin.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com