Wararka laga helaayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Axmed Madoobe oo ah hogaamiyaha Jabhada Raas-kanbooni oo shalay caro kula soo laabtay Kismaayo uu kadaba yimid amar culus oo ka soo baxay dowlada uu garabka ka sugayo ee kenya oo waqti kooban u qabaty in uu ku gaaro halkaasi.
Amarkaasi markii uu soo gaaray Axmed Madoobe ayuu si hal-haleel ah ugu laabtay halkaasi iyada oo lafilayo in danaha ugu weyn ee loo wacay ay tahay in uu madaxweynaha Soomaliya hortiisa ka cadeeyo in uusan mar danbe ku dhaqaaqi doonin siyaasad dowlada Soomaaliya aysan raalli ka aheyn.
Axmed Madoobe oo uu soo wajahay fikir kii ugu darnaa ayaa waxaa ku soo laabashadiisii Kismaayo ee shalay hor-seeday laba qodob oo la soo hor-dhigay kwuaas oo midoodna ay u cuntami weysay hasa yeeshee wararka hada soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in arintu mareyso meel kasii hooseya halkii uu shalay diidayay oo markaan lagu qabsayo in uu saxiixo dekuminti cadeynaya in uu faraha kala baxaayo arinta Jubaland uuna dowlada Soomaaliya wax kasta uga danbeynayo.
Dowladahada Kenya iyo Soomaaliya oo kulala aragti duwanaa arinka Jubaland ayaa xilligaan meel wax iskula shubay arintaas oo keentay in Kenya ay daaqada ka saarto Axmed Madoobe iyo Jabhadiisa markii horaba ka soo go’ady Al-shabaab oo ay ku dagaaleen maamulka Kismaayo.
Si kastaba lama xaqiijin xilliga rasmiga ah ee Axmed Madoobe la hor-geynayo Madaxweyne Xassan Sheekh oo Nairobi u jooga in uu ka soo tago isaga oo dhinac u riday siyaasada sabeyneysa ee Jubaland.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com