Wardeg deg ah: wasiirada arimaha Dibada Soomaaliya Fowsiyo oo saxiixday heshiis wada hadal laga galayo bada iyo Xuduudaha Soomaaliya

Monday, June 3, 20130 comments

Wasiirada arimaha Dibada Soomaaliya oo joogtay maalmihii la soo dhaafay Magalada Nairobi ayaa saxiixday heshiis waan waan iyo wada hadal Dowlada Kenya lagala galayo Bada iyo Xuduudaha Soomaaliya.

Amina Mohamed oo horay u soo noqotay Ambasadorad lana soo shaqeysay Hey'adaha Q.M. ahna Wasiirada arimaha Dibada Kenya ayaa heshiis u eg mid laga soo shaqeeyay waxay la saxiixatay Wasiirada arimaha Dibada Soomaaliya, taasi oo wada hadal iyo dib u eegis laga galayo Xuduudaha iyo badaha Soomaaliya oo Q.midoobay iyo caalamka aqoonsanyihiin.

Wasiirada arimaha Dibada Soomaaliya ayaa saxiixday Heshiiskaan sida ay Qorayaan warbaahinta Kenya gaar ahaan Wargayska Daily Nation ee ka soo baxa Kenya.

Heshiiska ay saxiixday Fowsiyo ayaa waxaa horay u diiday baarlamaanka Soomaaliya, Xiligii Xukuumadihii KMG taasi oo uu Saxiixay wasiirkii iskaashiga caalamiga C/raxmaan C/shakuur.

  
Sidoo kale Xiligii Saxiixa uu dhacayay ayaa waxaa la socday wasiirada arimaha Dibada Kenya Quburo badan, balse Wasiirada arimaha Dibada Soomaaliya ayaa ahayd galigeed, rasi oo dhibaatadeeda leh.

Warsaxafadeedkan ayaa la saxiixay ayada oo ay la yaaban Tahay Warbaahinta Kenya warsaxaafadeed la saxiixayo.

Heshiiskan ayaa dhigaya in bada iyo Xuduudaha Soomaaliya ay ka wada hadlaan Dalalka Kenya iyo Soomaaliya, taasi oo meel ka dhac ah in Xoriyadii kadib laga wada hadlo bada iyo Xuduudaha Soomaaliya

Wararka ayaa sheegaya in ay Mamnuuc tahay in Heshiis Nuucaan oo kale ah la saxiixo dal jirana wada Hadal laga galo Xoriyadiisa.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog