Wiilasha Soomaaliyeed ee ka yimaada Africa & Carabta oo Dumarka Muqdisho iyo Gobolada dalka been cajiib ah ku shukaansada.

Monday, June 24, 20130 comments

Soomaali badan ayaa ku maah maahdo : Dumar beenbaa lagu soo xero galiyaa, runa waa lagu dhaqaa. Waxaa soo if baxay bilahaan dambe rag badan oo Soomaaliyeed soona gaaray gudaha dalka oo waliba bilaabay Shukaansi cusub oo been fara badan xambaarsan kaas oo Dumarku ay aad u jecel yihiin.

Rag Soomaaliyeed oo in mudo ah ku noolaa kana shaqeeysan jiray dalalka Africa iyo wadamada Carabta ayaa markii ay gudaha dalka dib ugu soo laabteen waxa ay bilaabeen Shukaansi lagu sheegay kaarto cusub kuwaas oo dumarka ku shukaansado inay ka yimaadeen dalalka Yurub.

Ragaan ayaa la sheegay inay ogaadeen in Dumar badan oo Soomaaliyeed kuna nool gudaha dalka ay jecel yihiin Raga ka yimaada Dibada gaar ahaan wadamada Yurub.

Shukaansigaan cusub iyo sheegashada beenta raga ayaa waxaa sabab looga dhigay Dumarka oo inta badan jecel Raga Yurub ka yimaada waliba yareeyay doonista raga Africa iyo Carabta ka yimaada.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog