Haweeneyda lagu magacaabo Lyudmila oo ah Haweeneyda uu dhawaan shaaciyay inuu furay Madaxweynaha Dalka Russia Mr. Vladimir Putin, ayaa waxa ay barta Twetter-ka ku leedahay soo dhex dhigtay Qoraal gaaban oo ay ku fadeexeyneyso Madaxweyne Vladimir Putin.
Mr. Lyudmila oo ah Haweeneyda uu Furay Vladimir Putin, ayaa waxa ay sheegtay in Ninkeedii hore uu ahaa mid aan laheyn Asluubta loogu tala galay inay adeegsadaan Madaxda, iyadoona sheegtay inaysan arkin shaqsi isaga lamid ah.
Qoraal ay soo dhex dhigtay Twetter-ka ayaa waxa uu u qornaa sida tan, ‘’ Vladimir Putin waa shaqsi dhaqan xun, waxa uu xiliyada qaar isku dayaayay inuu iiga tago meelo aan wanaagsaneyn, waxa uu la jiifan jiray Saraakiisha iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladdiisa mana ku tilmaami karo shaqsi awood leh’’ sidaa waxaa lagu daabacay Barta Twetter-ka ay ku leedahay Xaaskii uu furay Vladimir Putin.
Sidoo kale waxa ay qoraalkeeda ku tiri ‘’Muddo Saddax sanno waxan kuwada nooleynay nolol aan aheyn sharci, waxa uuna igu cadaadin jiray inaan ag-tiisa ku noolaado haddii kale uu si fool-xun ii dilaayo’’ sidaa waxaa laga soo xigta Twetter-keeda.
Dhanka kale, Waxa ay sheegtay inay ku kala tageen ama ay isku fureen meel fagaaro ah oo ay goob-joog ka ahaayeen Saraakiil iyo madax katirsan Dowladda, iyadoona sheegtay inuu Jecelyahay gabar la dhalatay Madaxweynaha Dalka Israel.
‘’Marka aan kala irdhownay waxa uu Saddax maalin kadib iga codsaday inaan la sii joogo muddo Laba asbuuc, waxa uu jeclaa Haweeney la dhalatay Madaxweynaha Israel inaguna dan igama uusan laheyn’’.
Ugu dambeyntii, Waxa ay Fashishay Macluumaad ku aadan noloshooda oo aan iminka ku habooneyn inaan kusoo qaadano qoraal, waxa ayna inta badan qoralkeeda diirada ku saartay Arrimaha Nolosha oo ay ku tilmaamtay inuu ahaa mid ku fashilmay nolosha.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com