Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), madaxweynaha maamulka Somaliland, ayaa waxa uu habeenkii xalay ahaa soo saaray Wareegto uu isku shaandheyn kula samaayay golihiisa wasiirada isaga uu ku soo daray wasaarada cusub taas oo muujinayesa in xukuumada la balaariyay.
Wareegtadaan ayaa waxaa ka muuqday ugu yaraan lix wasaaradood oo kamid ahaa wasaaradihii horay u jiray oo wasiiradoodii lakala bedelay halka wasiirro horay u shaqeyn jiray ay xilalkoodii waayeen.
Waxaa kale oo ku soo biiray xukuumada Somalilaand Wasaarado aan horay u jirin oo ay kamid yihiin Wasaarada Maal-gashiga iyo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, waxaana sidoo kale wararku intaa ku darayaan in wasiiro ku xigeenno aan jiri jirin xilligaan lagu soo daray golaha.
Cabdullahi Maxmed Cumar, Wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha dibada maamulka Somalialnd ayaa waxaa laga warejiyay booskiisii isaga oo loo wareejiyay wasaarada maal-gashiga.
Wasiirada soo galay xukuumada maamulka Somaliland ayaa waxaa kamid ah siyaasiyiin aan horay loo aqoon halka ay ku jiraan siyaasiyiin in badan kasoo dhex muuqday maamuladii deegaanadaasi kasoo shaqeeyay.
Si kastaba, Siilaanyo ayaa ugu tala galay isku shaandheyntaan in ay wax ka bedesho hanaaka siyaasadeed ee xukuumadiisa, waxaana laga war sugayaa sida ay uga war-celiyaan siyaasiyiinta Maamulka Somalinad oo ay mucaradku ugu horeeyaan.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com