Daawo Video: Fanaan Kooshin Nuudi oo fadeexo ka raacday heestii uu xaday ee Beerkeey adaa ku weyn

Monday, October 7, 20130 comments

Wareysi BBC Somali la yeelatay Fanaan Mohamed Adan Shamuuri sanadkii 2004 ayuu si qotodheer uga hadlay qisada heesta Beerkeey adaa ku weyn iyo Abwaanka sameeyay hasse yeeshee Fanaan Mohamud Mohamed Kooshin ayaa dhawaqiisa la waayay tan iyo markii heesta Beerkeey adaa ku weyn laga dhex helay Wareeysiga Shamuuri

Fanaan Kooshin Nuudi wuxuu Radio Hadhwanaagnews u sheegay inuu laxanka iyo erayadaba sameeyay isaga

Heesta Beerkeey adaa ku weyn oo la sameeyay sanadkii 1998 waxaa laxanka macaan saaray Fanaan Shamuuri ,waxaana erayada sameeyay Dahir Alasow.

Heesta Beerkeey adaa ku weyn waxay ka mid tahay qiso jaceyl oo laga sameeyay Gabadh lagu magacaabo Sahra Ceeblaay oo ku nool hada dalka Sweden

Gabadhaas waxaa loo sameeyay heeso caana oo laga xusi karo heesta Sahra Ceeblaay ee allaha u naxariistee Cabduqadir Sanka qaado,heesta Samir ee Nuradiin Ahmed IImaan qaado,Heesta Dhaxalsuge ee Mohamed Adan Shamuuri qaado,heesta Af u roon ee Mohamed Gacan iyo heeso kale oo aad u farabadan












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog