Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in Saacadihii lasoo dhaafay ay ka jireen Xaalado Colaadeed oo salka ku haaya Isbur-bursi u dhexeeya Hogaamiye Mukhtaar Roobow iyo Maleeshiyo kale oo halkaasi ku sugan.
Mukhtaar Roobow oo ay dhawaan kala hadaafeen Axmed Godane ayaa waxa uu hada gaaray Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, iyadoona Xaaladda Magaalladaasi ay gashay mar xalad ka duwan marxaladihii ay ku jiri jirtay.
Abuu Mansuur iyo Ciidamo daacad u ah oo kasoo baxsaday dhinaca Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, kana soo goostay ciidamadii Axmed godane oo rabay in ay khaarajiyaan ayaa Gaaray Xudur, balse Odiyaasha deegaankaasi oo qaarkood ay isku heyb hoose yihiin Sheekh Mukhtaar, ayaa soo jeediyay in Wadaadka iyo Ciidamadiisa Magaalada ka baxaan, kadib cabsi ku aadan in weeraro lagu soo qaado halkaasi.
Wararka waxa ay iminka sheegayaan in Abuu Mansuur uu ka hor yimid soo jeedinta Odiyaasha ee ah inuu Magaalada isaga baxo isagoo ka baqdin qaba Axmed inuu ugu yimaado duurka wuxuuna isku dhedhejinayaa deegaanka oo ka soo jeedo isagoo doonaya inuu wehel ka dhigto hadii xaalku ku xumaado.
iyadoona Abuu Mansuur isaga baxay Magaaladaasi, sida ay sheegayaan ilo wareed lagu kalsoon-yahay, iyadoona uu gaaray tuulo duleedka ka ah Magaalada Xudur, halkaasi oo ay heegan buuxa ay ka galeen Ciidamada u daacada ah Mukhtaar Roobow.
Mukhtaar Roobow ayaa waxa ay u gaarsi ku haya Ciidamo uu Hoggaamiyo Axmed Godane oo iyagu isku afgaranla Colaado ka dhashay dhanka faafinta waxa ay ugu yeeraan Jihaadka, waxaana isku fara goosanaayo labada Maleeshiyo.
Mukhtaar roobow ayaa waxa uu hada u muuqdaa Xaaladii soo wajahday Sheikh Xassan Daahir Aweys oo kale , iyadoona la garaneynin wadada uu Roobow raaci doono wallow wararka ay sheegayaan inuu xiriiro la sameynaayo Dowladda Somalia.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com