Asc dhaman umada somaliyeed mee walba oo aad dunida ka jogtaan waxan jecleystay in aan idin soo gudbino qiso dhab markii la iiga sheekeyay adinkana in aad intii aan ka fahmay iyo in ka badan aad ka fahamtaan.
Qisadan waxa ay ku dhacday gabar magaceeda ku soo gaabisay Naima, kadib mar aan booqasho gaban aan ku tagay dalka uganda casimadiisa kambala ayaan
Waxan isku baranay naima waqti galab ah qofkii yaqano ayaa yaqaanee beerta boqorka ayada oo markaas boogag aqrisaneysay ayaan waxaan is dhanaafsanay salaanta islaamka ee ( Asc) Naima markii ay iiga sheekeysay nololsheeda dhab ta ah ayaan Waxan jaceylstay in aan wax ka qoro si ay bulshada kale ugu cimra qataan
Hadaba waa tanaa naima ee ka bogasho wacan
Waxan ku noolahay magalada kampala ee xarunta dalkaan uganda
waxna ka barta jamacadaha wadankaan.
Run ahaantii waxan halkaan imaaday sanadkii 2009 bishii 6 aad
Aniga iyo hooyadey iyo walashey abahey waxaa uu ku dhintay dagaladii sokeeye oo dalkeena naafyey in badan oo somali ahna ku nafwaayeen hadaba markii aan halkaan imaaday waxan is baranay wiil waxa na dhexmaray misana aan wadaagnay jaceyl kalsooni leh.
Wiilka Waxa lagu magacabaa mustafa waxa uu mesha u jogaa dacwad ama leen qofba sida ay u taqaanee qofba qofka kale waxaa uu u hibeyay nolosha sanadkii 2010 ayaa mustafa leeenkii usoo baxay waxana uu ii sheegay in uu I guursan doono marka ay wax walba usoo dhamadaan lkin laba qofood oo guur ku heshiiyay ayaa wax walba ayaa dhex mari karo mustafa waxa uu igu dhahay mcnto naima aniga marka aan visaha soo qaato 2 bilood ayaan kula joogi dooonaa guurkeena waxaa naga xigo visaha oo aan gacanta ku dhigu sidaas darteed waxan is weydaarsanay kalsooni dheeraad ah waxan u hibeyay nolosheyda waan isku dhiibay waxaan kasoo qaaday nin iqabo oo kale markasta waxa uu rabo ayaan u sameyn jiray oo gabar nimadeydii ayaa meesha ka baxday
Niyada iiguma jirin mustafa oo aad intaas wadaagteen oo aad intaas istaqanaan ayaa maanta ku xumeyn doono lkin dad iyo duurba wax kasta ka filo markii uu ii isticmalayay sidii naag uu qabo ilaa iyo hal bil ayaa waxaa uu isoo wacay maalintii danbe oo ay saacadu tahay 2:00 saac oo maalinimo waxaa uu I dhahay mcnto ii imow xafada ayaan jogaahe aniga waan libistay waan baxay waxan ugu tagay xafada uu dagan yahay waxan wada joognay ilaa iyo maqribkii salada maqribka kadib ayan kasoo tagay anaga oo isku qabno hilow iyo xiiso mcne macsalamo iyo macnto sidoo kale
Waan soo baxay waxana imaaday guriga waan iska nastay waxan wacay telkiiisa habeenkii waa uu dansan yahay
Run ahaantii dareen dheer ma anan qabin oo waxan is dhahay waxa laga yabaa in uu dab,la,aan uga damay ileen waaba nin dhoofay oo yurub aaday ala wareer badanaa oo ragga qaar ma saas beey ahayeen…..
Waan iska seexday waxan is dhahay asaga ayaa kusoo wacaayo
Waan wayay run ahaantii xafadii uu daganaa ayaan tagay waxana la ii sheegay ninkaas in uu dhoofay waagii ayaa igu baryay waxan galay fakar iyo dhibaato maxa yeelay familkeyga gabar ayaan u ahay lkin maahi gabar oo gabar
nimadeydii waan wayay sharaf iima taalo waxaadan awoodin waxa lagasoo qadaa waxadan u baahneyn madama anan aqoonin meeel aan kala xariro hadi aan Email aan u dirana uusan iigasoo jawabeyn waxaan go.aansaday in aan niyadeyda kasaro oo aan caloosha xirto wixi igu dhacay waaba igu dhaceene.
Hadaba dhibka igu weyn ee I haysto waxa waaye hooyadeey waxa ay igu qabtaa kalsooni dheeraad ah hadaba hadii maanta la igasoo doonto maxaan dhahaaa waa arinta iigu dhibka badan hadaba qof kasta oo dumar ah waxan ku waaninayaa in aysan arintaas oo kale ku kicin
W/Abdi Aziiz mohamed ( Caaqil )
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com