Qaar ka mid ah websitayada Soomaalida ayaa waxaa la sheegay inay caadeysteen faafinta sawiro iyo muuqaalo anshax xumo oo ay kaga been abuuranayaan dumarka Soomaaliyeed si ay u helaan shacbiyad badan oo ku taxnaato bogeeda arintaas oo ay walaac ka muujiyeen suxufiyiintii hoe ee Soomaaliyeed.
Websitayadaan Soomaalida oo inta badan ay qoraan dhalinyaro aan wax aqoon ah u lahayn sharciga iyo xeerarka saxaafada islamarkaana aan ahayn kuwo leh xirfad suxufinimo ayaa waxay inta badan ay ka been abuurtaan gabdhaha Soomaaliyeed iyagoona ku tilmaama waxyaabo aysan ahayn islamarkaan soo galiyo websitayadooda sawiro iyo filimo aan ahayn gabdho Soomaaliyeed kuna tilmaammaayo inay yihiin gabar Soomaali oo ku kacday fal anshax xumo, Aamino Muuse Weheliye oo ka mid ah suxufiyiinta ugu waaweyn Soomaalida ayaa waxay sheegtay inay la yaabto mararka qaarkood waxa ay ka qoraan websitayada Soomaalida gabdhaha Soomaaliyeed, Qofkaan wax qoraaya waxaa uu arkaa ninki wax kufsan jirey ama ciidamadiisu ay wax kufsan jireen oo maanta ah xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Soomaaliyeed marka cunugaan maba ka sxishoonaayo inuu gabar soo sawiro mana uu u heysto waxa uu qoraayo inay yihiin dambi ayay tiri Aamino Muuse oo ka hadlaysay websitayadaas caadeystey faafinta been abuurka gabdhaha Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntiina iyadoo dhibaatadaan ay soo kordhiyeen websitayada Soomaalida ah ee iska qora waxa ay doonaan ayaa waxaa kale oo ay la sheegay in dhibaatda ugu weyn ay ka timid iyadoo qorayaasha websiteyadaas ay heysato daruufo dhaqaale oo ay doonayaan inay lacag ama kharash uu ka soo galo waxyaabaha ay qorayaan iyadoona ay mararka qaarkood ay waxyaabo aaan jirin ay faafiyaan maadaama ay ku qaateen qoraaladaas lacago laaluush ama Sharuuro ah sida loo yaqaan lacagtaas, Burburkii dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxay dhalinyaro yar yar oo aan lahayn aqoon ku filan oo ay wax ku qoraan arintaas oo keentay inay waxay doonaan ay iska qoraan iyagoo aan kala jecleyn dhibka ka imaan karo faafintaa waxyaabaha qaldan ee kheyrul masuulanimada ah ee loo soo bandhigaayo shacabka Soomaaliyeed.
Daawo Muuqaal Barnaamij looga hadlay Anshaxa Saxaafada Soomaalida_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com