Bilicda Magaalada Muqdisho ayaa ah mid si tartiib tartiib ah maalinba maalinka ka danbeysa usoo laabaneyso, waxaanan hada magaalada ka socda dib u dhiska Wadooyinkii ku bur buray Dagaalada Sokeeye.
Wadada isku xirta KM4 ilaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Adde, ayaa hada waxaa la saarayaa Laami Casri ah, kaasoo ay dhismihiisa wadaan Shirkado laga leeyahay Dalka Turkiga.
Laakiin dib u dhiska iyo soo celinta Bilicda maahan mid kuwada faafsan Magaalada oo dhan, ee waa mid ku koobaaan wadada Makka Al-mukarama, waxaa jira Degmooyin iyo Xaafado layska hilmaamay oo Mugdi ah, shacabka dagana ay yihiin kuwo Maqribkii Guryahooda ku xarooda, subaxdiina kasoo baxa.
Hadaba waxaan halkaan idinkugu so gudbin doonaa Sawiro ka tarjumaya dib usoo laabashada Bilicda Magaalada Muqdisho.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com