Daawo Canug jini ah oo kumaan kun oo dad ah ka kala carareen Magalada New York(shacab fara badan oo la yabay)..

Saturday, January 18, 20140 comments

Dadka ku dhaqan magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa waxa dhawaan si layaab leh argagax ku riday Shirkad soo saartay Cunug yar oo laga sameeyay Qalab Casri ah iyagoo uga dan lahaa in ay ku argagaxiyaan  shacabka.

Shirkada ayaa soo saartay Gaariga caruurta la saarto oo ku shaqaynaya Remote Control isla markaana lasoo dhex geliyay Cunuga yar oo Oohinta ay ka dhamaatay waxaana durba ay isku dayeen dadka maqlaya Oohinta Cunuga yar in ay Caawiyaan balse waxaa Gaariga si layaab leh ugaso dhex baxaya Cunug yar oo aanan u ekeyn Bini’aadamka caadiga ah taasi oo argagax ay ku riday Shaqsiyaadka doonayay in ay caawiyaan.

Muuqaalka lasoo dhigay Aalada Internet-ka ayaa waxa loogu magacdaray Cunugii Jiniga oo Argagax ku riday magaalada New York.

Shirkadaan ayaa laga codsaday in ay barnaamijkaan cusub ay ka sameyso muuqaal Film ah oo ay ka qayb qaadan doonaan Jilayaal caan ah.

Muuqaalkaan ayaa sido kale waxa uu maalin kaliya noqday Muuqaalka ugu horeeyay ee Barta Youtube-ka ay ka daawadeen 30 Million oo qof waxaana la saadaalinaya inuu noqdo muuqaalka ugu daawashada badan caalamka.












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog