Daawo Saxaafiyad Reer Hargeysa ah oo Muqdisho lagu faraxumeeyay

Monday, January 20, 20140 comments

Ila wareedyo muhiima ayaa xaqiijiyay in Saxaafiyada Sagal Mustafa laga kaxeeystay ilinka hore ee Xarunta Universal Tv Muqdisho.

Gabadha Saxaafiyada ayaa la sheegay in kooxo hubeeysan geysteen Xaafada Madiina halkaas oo lagu heystay 24 saacadood ka badan.

Qaar ka mida shaqaalaha Universal Tv Muqdisho waxay sheegeen in Sagal dhalinyarta watay gaariga raacday hasse yeeshee iyadu waxay ku dooday in la afduubtay.

Saxaafiyada Sagal waxay Universal Tv uga hadli jirtay Magaalada Hargeysa.

Sababta loo faraxumeeyay ayaa lala xiriirshay Warbixin qabyaaladeeysan oo ay Sagal hore uga baahisay Telefishinka Universal xilli joogtay Magaalada Hargeysa.

Sagal Aabaheed Mustafe Xasan Nur waxaa la sheegay inuu ka tirsan yahay Sirdoonka Somaliland.

Inkastoo ugu dambeyn Sagal la siiyay daayay hadana dadka yaqaan waxay ku tilmaamaan qof fudud.

Telefoon ayaan kula xiriirnay hasse yeeshee waxay joogtay goob lagu sheegay Club oo ay ka socotay shanqar music xoog badan.

Qaar ka mida eheladeeda oo aan la xiriirnay ayaa dhinaca kale ku xog waramay in Sagal tahay Marwo la qabo.

Lama oga inay afduubkeeda Saxaafada ka sheegi doonto iyo inay qarsan doonto sida dumar badan oo Somalia hore u sameeyeen.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ wuxuu cambaareeynayaa falkaas foosha xun ee lagula kacay Saxaafiyada Reer Somaliland,wuxuuna Dowladda Somalia ugu baaqayaa inay baaris ku sameeyaan kiiskaas.

In gabdhaha socdaalada u taga Muqdisho lagu fara xumeeyo waxay halis ku tahay sumcada Caasimadda Somalia.

Si kastaba ha ahaatee,ilaa iyo hada Sagal Mustafa si rasmiya ugama hadlin faraxumeeynta lagu sameeyay.










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog