Daawo Gabadh Lacago Deen ah lagu aroosey (Sheeko Yaab leh)

Monday, January 20, 20140 comments

Haweeney magaceeda lagu sheegay Amran ayaa lagu guursaday lacago deen ah oo lagu yeeshay sida ay sheegeen dad goob joog u ahaa dhacadadan.

Arrintan oo ka dhacday Xaafada Buula Xuubey Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ayaa timid kadib markii Haweeneydaasi oo ahayd Garoob hal Canug horay Ninkeeda uga dhintay ayaa dukaan ay ka adeegan jirtay looga yeeshay lacag aad u fara badan oo gaaraya ilaa 123$ (Boqol labaatan iyo Saddex Doollar Mareykanka), laakiin Ninka dukaanka oo si hoose u doon doonayay una danaynayay haweeneydaasi ka dalabaday in ay lacagta deenta ah deg deg ku bixiso si xisaabta Dukaanka loo xiro.
Haweeneyda ayaa la sheegay in ay awoodi waysay bixinta lacagtaasi waxqtiga loo cayimay, laakiin taasi badalkeeda waxay ka aqbashay dalab ka yimid Milkiilaha dukaanka oo ugu baaqay in ay ogolaato Guur uu la galo.

Si kastaba dhacdan ayaa noqotay mid hadal heynteedu ay ku soo badatay Xaafada BuulaXuubey Degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho, waana markii ugu horaysay oo haweeney lagu guursado lacag deen ah oo lagu yeeshay.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog