Naagtaada waqtigan Oo kale kama ceemato baashaal ee iska jir

Tuesday, January 7, 20140 comments

Xaaskaaga xiliga ay Umusho waxaa jira dheecaan ka socda kaasi oo Nifaas loogu yeero hadaba xiligan Oo kale galmada ah diinteena suuban ee Islaamka ma baneen oo lama ogola.

Hadaba Mad-habta Shaaficiyada oo ay Soomaalida badankeedu ku dhaqantaa waxay qabtaa in muddada ugu yar ee uu dhiigga nifaasku socon karaa ay tahay hal tuurmo (dhiig halmar soo baxa), halka muddada ugu badani ka tahay lixdan maalmood.

Dumarka badankooda waxa dhiigga nifaasku kaga dhammaadaa muddo afartan maalmood ah, waana halka ay Soomaalidu ka tiraahdo “heblaayo afartankii bay ka baxday”.hada iyo caruur cusub micanaha wa galma cusub marka aan af soomaali dadban ku sheegno,
Ha yeshee Dumarka badankoodu waxay aaminsan yihiin in kol hadday afartan maalmood kasoo wareegtay maalintay umuleen ay waajib tahay inay qubaystaan oo salaad tukasho billaabaan, raggoodana galmo kala qayb galaan. Haddaba xaqiiqdu waxa weeye inay arrintaasi laba khatarood leedahay ee iska fiiri qatartaas,
1- Waa mide, waxa laga yaabaa in haweeneyda uu dhiigii nifaasku ka dhamaaday beri hore, oo ay ahayd inay intay qubaysato, salaadda tukato, ninkeedana isu diyaariso, sidaasina salaado badan oo waajib ahaa kaga tageen (waana inay soo qalleeyso), ninkeediina sabab la’aan rafaad u gelisay, haddaanuba dumar kale ka hunguriyeeyn ee uusan ka raacin,
2-Waa tan labaade, waxa laga yaabaa inay haweeneydu qubaysato markay afartan maalmood u dhammaadaan (siday caadadu ahaan jirtay), ha yeeshee dhiiggii weli ka socdo, caadadiina aanay weli ka dhammaan. Arrintaasi waxay markaasi keeneysaa inay xaaraan ku dhacdo, mar haddaan la oggolayn in haweeney nifaas qabta loo tago. Waxa kale oo ay keeneysaa dhibaato caafimaad ku timaada iyada iyo ninkeeda labadaba hadday sidaasi galmo uga qaybgalaan.
Hadaba Dhiigga nifaasku marka uu bilawga yahay waxa uu leeyahay midab madow, muddo kedibna waxa uu noqdaa guduud, kedibna jaalle xigeen, sidaasi buuna midabkiisu isu sii beddelaa ilaa uu biyo oo kale ka noqdo, biyahaasi oo tilmaan u ah dhammaadka dhiiggii nifaaska, markaas oo intay haweeneydu qubaysato, dhar qurux badan lebbisato, isna carfiso, galmo iyo gadgaddoon u diyaar garowdo. Dumarka qaar kolka uu dhiigga nifaasku ka dhammaado, cambarkooda wax qoyaan ahi kama yimaadaan oo wuu qallalan yahay. Ha yeeshee marba hadduu dhiiggii istaagay waa inay haweeneydu qubaysato qubeyskaas oo ah mid nafteeda anfacaya,
Lakin Waxa mararka qaar dhacda in dhiiggii istaagi waayo oo lixdan maalmood kabadan socdo. Haddaba markaasi oo kale waa inay haweeneydu qubaysataa oo tukataa, mar haddii lixdan maalmood la gudbay, maxaa yeelay markaas oo kale dhiiggaasi ma aha dhiig nifaas, balse waa mid ku yimid cillad caafimaad, una baahan dhakhtar iyo baaritaan,
Gabagabadii waxaa shardi ah in dhiigga nifaasku istaago haddii la doonayo in ninka iyo haweeneydiisa la’isu oggolaado. Haddaba, hadduu dhiiggu ku istaago muddo gaaban, diinteenna Islaamku waxay qabtaa in la’isu galmoon karo. Ha yeeshee culimada diinta qaarkood iyo dhakhaatiirta caafimaadka intuba, waxa habboon bay leeyihiin in hooyada cusub nasasho la siiyo muddo dhowr usbuuc ah, intay wax waliba caadigoodii kaga soo noqonayaan.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog