Tuugadii ugu Caqliga Xumeed Dunida iyo sida layaabka leh ay u dhaqmeen (Daawo Sawirada)

Saturday, January 11, 20140 comments

Mid ka mid ah dhacdooyinka tuugada ee dunida ugu layaabka badan,isla markaana lagu tilmaamay tii ugu caqliyada xumayd, ayaa ka dhacday dalka Malaysia, taas oo ka yaabisay dadkii goob jooga ka ahaa iyo kuwii warbaahintu uga warantay.

Sidaay ku warantay jariirada Daily Mail oo ka soo baxda dalka Ingiriisku, koox tuugah oo u dhalatay dalkaas ayaa xaday afar neef oo lo? ah, kuwaas oo caqlixumadooda ay damceen in ay ku qaataan gaadhi yar oo aan awood u lahayn ama aan xadiga intaa leeg qaadi Karin.

Dhacdadan oo ka dhacday degaanka Songhai Phuket ee dalka Malaysia, waxa sida ay jariiraduku warantay, ay kooxdan tuugta ahi adeegsanayeen gaadhi noociisu yahay, (ProtonWire), kaas ah gaadhi kooban oo aan awood u lahayn ama qaadi karayn culaysintaa leeg.

Ciidamadii booliska ahaa ee baacsanayay tuugtaas, ayaa la argagaxay markii ay jidka kula kulmeen lo?daas oo ku dhex xaniban dhibaato badanina ay ka muuqato kuna dhexjira gaadhiga sidii loo soo saaray, waxaanay boolisku ka qaadeen sawiro aywarbaahinta u gudbiyeen oo muujinaya sidii dhacdadaasi u dhacday.




Faysal Maxamed Xasan











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog