Habkee Lola Dhaqma Wiilka Ka Hari Waaya?

Monday, January 13, 20140 comments

Waa adagtahay waxa dhihi laheyd wiil marku ku sheegto jaceyl oo adan wax hami ah u heynin.

Waa suurta gal in wax badan kula soo gudboonato wiilal aadan ka helin oo had iyo goor ku daba orda ama ka deyn weeya hadalheynta jaceylka eey ku qabaan.

Ma fiicno inaa is qasabtid una aqbashid oo kaliya inuu ku jecelyahay. Ogow wiilasha badankood waxey iska dhaadhiciyan hadaa ka amustid inaad jeceyl u qabtid.

Waxaba ha walwalin taasi waa dhacdaa had iyo goor oo bani-adan baanu nahay qof kastena kama heli karno, hadaba qodobadan akhri si aad uga badbaadid:

1. U sheeg inaadan jecleyn, waxa laga yabaa inaad ‘makaa helin’ oo kaliya u baahatid. Waxa dhacda ineysan saas kugu dhaafin maxa yeelay, raggu badankood ma fahmaan tusmada maldahan.

2. Qof aanan jirin kasoo qaad, tusaale ahaan haduu kugu dheegago kasoo qaad inaadan asagaba u jeedin, si kale marki loo dhigo asaga dhan inkir.

3. La qabsigisa ku xir markasta uu kaa dhex galo sheeko aad wadid, waxa ku filan oo kaliya ‘Fadlan, hasoo dhex galin sheekadeyda’.

4. Kaasho asxaabtada hadey kula ogyihin arintan, si ey kuugu cawiyan ina aad wado iska marisid kana dhaadhici inaadan wax jaceyl ah haba yaraate adan u qabin.

5. Ha amaahin macluumadkaga khaaska ah sida Email, teelefoon, ama meeshad dagantahay. Lana socodsi asxabtada taaso laga yabo inuu ayaga weeydiisto.

6. Isku xoqidu waa mid raggu had iyo goor ugu soo dhawaadan gabdhaha. Iska ilaali inuu isku ka xoqo ama kugu tiirsado hada meel wada fadhiisatan, istaagtaan, ama gacantada ku dhago hadaad salaantid.

7. Ka dhexbax asaga dhan, tan hadaad si wanaagsan u sameysid waad ku guuleysan karta inaa niyada ka jabisid uuna ilaawo maleynta uu qabo oo ah inaad jeceshahay. Isku day inaad asaga fiirisid adoo ku dheegagaya qof ama wax ka dambeeya. Tani waxey ka dhaadhicineysa inaadan waxaba kasoo qadin asaga dhan uu kula yahay qof caadi ah oo aad inkirtay sugnaantisa.

8. U cudurdaaro haduu ka codsado weeydiyo inuu casho ku kaxeeyo, una sheeg inaadan waxas diyaar u aheyn waliba asaga hadu booska buuxinayo. Kuna dheh in walaaltinimo oo kaliya iney idinka dhaxeyso xaajadu ku fiicnaan laheyd.

9. Ka raalli gali haduu ka arkay calaamado muujinaya jaceyl aad u qabtid, una sheeg iney khalad ahaayeen.

10. Ugu dambeynti had iyo goor u sheeg inuu khalad ka galay marku ku weydistay xirirka noocas ah.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog