Cilmi Baaris : Ragga Hadalka Badan Iyo Ninka Aamusan midkee Hanta Qalbiga Haweenka

Wednesday, February 26, 20140 comments

Muddo toban sanno ku dhawaad ah ayaa khubaro u dhalatay dalka Kanada oo baadhitaan ku hayey nooca ragga ee dumarku ka helaan, ayaa ogaaday in ragga hadalkoodu yar yahay ee kelmadaha gaagaaban adeegsada ay soo jiitaan, isla markaana hantaan qalbiga  haweenka, iyadoo dumarku aaminsan yihiin in hadal yaraantu tahay astaan muujinaysa ragganimada qofka ama ninka.

Haweenka oo celcelis ahaan hadalkoodu ku soo labanlaabmayo ragga, ayaa maskaxdoodu u samaysan tahay in hadalku si xawli ah u socdo, iyagoo khubaradu sheegay marka haweenaydu la kulanto nin hadal badan waxay aaminaan in aanay ragganimo weyn lahayn, mana daneeyaan, halka ragga hadalka yar ay dumarku aad ugu dhego nugladaan.

Cilmi-badhayaashan reer Kanada oo baadhitaan ku hayey sidoo kale codka ragga, kelmadaha ay isticmalaan iyo lahjahadooda, ayaa ogaaday in haweenku u joogsadaan ragga aadka u hadalka yar ee kelmadaha miisaanka badan isticmaala.

Ragga codka dheer iyo haweenka codkooda sida fiican loo maqlo ayaa noqday kuwa dunida ugu ugu soo jiidashada badan.

“Codku waa shay cajiib ah oo lagu kala duwan yahay, laguna karto shaqsiyadda qofka. Waxyaabo badan oo codka dadka laga dhex arko ayaa jira, taasoo ay ka mid yihiin qaabka qofka iyo ballaciisaba,” ayey tidhi Drs. Molly Babel oo ka tirsan Jaamacadda British Columbia ee dalka Kanada.

Drs. Babel waxay sheegtay in natiijada u soo baxday tahay in haweenku door bidaan ragga hadalkoodu kooban yahay amma aamusan, marka loo eego kuwa hadalka badan.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog