Daawo Mucjiso ka taagan mid ka mid ah magaalooyinka Dunida ugu caansan iyo Iskuulaadkii oo la fasaxay

Wednesday, February 26, 20140 comments

Magaalada Peking ee caasimada dalka Shiinaha ayaa waxaa qariyay qiiq sababay in Iskuulaadka iyo shaqaalaha xafiisyada dowlada la fasaxo waxaana sidoo kale la kala yareeyay isku socodka gawaarida dadweeynaha oo aan si wanaagsan isku arki karin. 

Dadka waayeelka ah ayaa sidoo kale looga digay inay banaanka ama dibada u soo baxaan. Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Peking waxeey afka iyo sanka ku soo xirteen Maaskaro kuwaas oo warbaahinta u sheegay inay caafimaadkooda u baqayaan. 

Qiiqa ama mudiga ka jira magaalada Peking ayaa Booliiska dalkaas waxeey ku eedeeyeen warshadaha faraha badan ee halkaas ku soo badanaya inkastoo warbaahinta iyo Telefishinada dalkaas ay sheegeen in uu dhulka ku soo dhawaaday caadka ama daruuraha qabowga. 


Halkaan ka Daawo Qiiqa Qariyay magaalada Peking iyo shacab fara badan oo wadnaha farta ku haya









_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog