Daawo Barnaamijka Xog-Waran oo lagu Shaaciyay Sir In mudda ah La Qarinayay iyo Doodaas oo Ah Mid Xasaasi ah

Monday, February 17, 20140 comments

Gudoomaiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxaa la sheegay in lagu soo eedeeyey inuu ka dambeeyey oo uu ka masuul ahaa geeridii Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) AUN arintaas oo yaab ku noqtey qaar nadan oo ka mid ah shacabka Soomaaliyeed. 

Kolneyl Cabdulaahi Dulle oo ka mid ahaan jirey saraakiisha ciidamada nabad sugida Soomaaliyeed ayaa waxaa uu dhawaaantaan shaaciyey in Gudoomaiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan in looga shaki qaba inuu asaga dilay oo uuna ka dambeeyey geeridii Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) (AUN), Kolneyl Cabdulaahi Dulle oo ka hadlaayey arintaas xilli uu ka qeyb galaayey barnaamijka XOGWARAN ee ka baxa telefishinka Kalsantv ayaa waxaa uu yiri Tarsan waxaa la tuhunsan yahay inuu asaga uu ka dambeeyey geerida duqii magaalada ee asaga ka horeeyey oo uu asagu uu wax siiyey, arintaas oo la yaabka ku noqdey qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed, Sidoo kale ayaa ninkaasi waxaa uu si isdaba joog ah uu eedeyn ugu soo jeediyey Gudoomiye Tarsan oo uu ku sheegay xataa in maalmihii ugu dambeeyey ay ciidamo taageersan gudoomiye Tarsan oo ka careysan in xil ka qaadis lagu sameeyo Tarsan ay ku lug lahaayeen amaan darada ka jiirto magaalada Muqdisho. 

Ugu dambeyntiina iyadoo eedeyntaas culus ee loo soo jeediyey Gudoomaiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ay tahay mid yaab iyo amakaag ku noqtey qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa kale oo uu Kolneyl Cabdulaahi Dulle uu ku eedeeyey gudoomiye Tarsan wax qabad la'aan asagoon ku sheegay in Gudoomiye Tarsan uu wax qabadkiisa oo dhan uu ku soo koobmay AFKA oo laga hadlo oo qura arintaas oo uu ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhineynin, Inkastoo Kolneyl Cabdulaahi Dulle uu eedeeymahaas u soo jeediyey Gudoomiye Tarsan ayaa hadana qaar badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed waxay u arkaan inuu gudoomiye Tarsan yahay halyeey wax badan oo la taaban karo ku soo kordhiyey magaalada Muqdisho intuu ahaa gudoomiyaha iyo duqa magaalada Muqdisho. 



Abdirizak M. (Xiireey) 
Holland 
Abdirizakxiireey@hotmail.com











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog