Daawo Askari katirsan Ciidanka Dowlada oo Maanta qaab cusub loogu dilay Muqdisho lagana qaatay qorey uu watay

Monday, February 17, 20140 comments

Askari katirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya ayaa maanta Kooxo Hubeesan waxa ay ku dhax dileen Gaari PL ah uu saarnaa xili uu marayay isgooska Ex-Contarol Balcad ee Magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in askariga la dilay uu gaariga kasoo raacay Isgooska Fagax ee Degmada Yaqshiid kuna sii jeeday Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Hiliwaa.

Askari ayaa la sheegay in gaariga uu saarnaa ku dhax dileen labo dhalinyaro ah oo Bistoolado ku hubeesnaa kuwaa oo dilka kadib horey usii qaatay qoreygii uu watay kana baxsaday halka ay dilka ka geesteen.

Dadkii rakaabka ahaa ee gaariga saarnaa iyo darawalkii gaariga waday ayaa la sheegay in marka Askariga xabada lagu bilaabay goobta ka carareen , waxaana mar qura la arkay gaarigii buuxay uu dhaxyaalo kaliya Askariga lagu dhax dilay.

Dilka kadib waxaa goobta soo gaaray Meydkana ka qaaday Ciidamo katirsan Dowlada kuwaa oon la ogeyn in ay ku guuleesteen soo qabashada ragii hubeesnaa ee askariga dilay kana qaatay qoreygii uu watay.

Dilalka ka dhax dhaca Gawaarida PL-ka ayaa ah kuwa ku cusub Magaalada Muqdiso , waxaana arintan wal wal badan kamuujiyay shacabka gawaraida PL-ka raaca kuwaa oo ka cabsi qaba in ay kordhaan dilalka qorsheesan ee gawaarida PL-ka ka dhax dhaca.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog