Daawo: Farmajo oo afka furtay Beenta Madaxwayne MD Xasan Shiikh, Ciidankii, Qabiilka & Arimo kale (Video)

Thursday, February 27, 20140 comments

Ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in ammaan darida ka jirta magaalada Muqdisho in ay sabab u tahay ballan qaadyada madaxda dowladda oo Aan Wax ficil ah loo meel marin.

Farmaajo  ayaa caddeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay rabaan nabad oo ay u bisil yihiin, balse wuxuu yiri waxa ay le yihiin mas’uul ay la shaqeeyaan oo Aan been usheegaynin.

Wuxuu madaxda dowladda Madaxwayne Xasan ugu baaqay in la yimaadaan hab dhaqan wadaniyadeed maadama nidaamka qabiilka aanu meel gaareynin.

Wuxuu kaloo ku baaqay in la daryeelo oo laga warqabo ciidamada dowladda xittaa saraakiisha xilalka laga qaaday  “Haddii askariga Furunta horre ee dagaalka ku jirra uu arko saaxiibkiis oo si xun u dhaawacmay oo meel ku uray, wuxuu isweydiinaa maxaad u dagaallameysaa, taasina waa arrin dhabar jab ah” ayuu yiri Mudane Farmaajo.

Farmaajo ayaa sheegay haddii la rabo in wax la qabto in lala yimaado siyaasad ka badalan midda hadda ay ku shaqeyso dowladda.

“Waa in mas’uul kasta oo ka tirsan dowladda uu u shaqeyso si wadaniyad leh, waa in xildhibaanka uu ogaadaa in kursiga u ku fadhiyo uu ugu shaqeyo si wadaniyad ah balse aanu u shaqeyn qaab qabiil” ayuu yiri Farmaajo.

Waa hadalkii ugu cuslaa ee ra’iisal wasaaraha horre ee Soomaaliya uu Farmaajo u jeediyo dowladda Soomaaliya ee uu Hogaamiyo Madaxwayne Xasan Sheekh.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog