Daawo Ranbir Kapoor Katrina Kaif oo soo afjaray khilaafkii ka dhaxeeyay..

Thursday, February 27, 20140 comments

Labada actar ee caan ka ah Katrina Kaif iyo Ranbir Kapoor ayaa soo afjaray khilaaf maalmahaan ka dhax aloosanaa kadib markii dhawaan isku dhaceen labadaa Actar oo muda saaxibo ahaa.

Katarina Kaif ayaa mudooyinkii u danbaysay ka caraysnayd actarka Ranbir Kapoor kadib markii dhawaan isku dhaceen waxaana taa keentay in labada actar kala caroodaan oo kala tagaan.  

Ranbir kapoor ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku mashquulsanaa sidii gacantiisa ugu soo celin lahaa gacalisadiisa Katarina Kaif oo muda kala caraysnaayeen waxaana iminka go,aan ku gaareen in heshiiyaan.

Labada Lamaane ayaa lagu wadaa in socdaal ku tagi doonaan Sri Lanka halkaa oo ku soo jili doonaan filim cusub oo labada lamaane jilaa ka yahiin waxa uuna socdaalkoodaa imaanayaa xili dhawaan hooshoodii dhameeyeen.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog