Daawo Maxaabiis Kenyan ah oo ku jira Gacanta AL-Shabaab oo sheegay in ay islaameen

Sunday, February 23, 20140 comments

Waxaa Maalintii Shalay Masjid weyn oo kuyaala Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/Hoose ku shaaciyay in diinta islaamka qaateen Labo nin oo Kenyan ah oo mudo gacanta ugu jiray Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Shalay Salaaddii Jimcaha kadib ayaa Masjidka Cuthmaan Bin Caffaan ee degmada Baraawe waxaa ka istaagay labada Nin ee Kenyaatiga ahaa, iyadoo hadal uu jeediyay mid ka mid ah labada nin ee muslimay uu ku sheegay inuu go’aansaday inuu qaato Diinta Islaamka ka dib markii Akhriyay Kutubbo ku qoran Luqadda Englishka oo ka hadlaya Diinta islaamka.

Waxaa uu tilmaamay in raggii gacanta ku hayay ay u soo bandhigeen qaadashada Diinta islaamka, isagana uu sidaas uu aqbalay, ka dagaal markii uu ku qancay.

Afhayeenka guud ee Xarakada Al-Shabaab Shiikh Cali dheere oo munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay iney si weyn ugu farxeen talaabada ay qaateen labada nine e Kenyaatiga ah.


”Maanta ka dib labadan ruux ee Kenyaatiga ah waa walaalaheen, waxeyna xaq u leeyihiin wax kastoo ruuxa Muslimka ah uu xaq u leeyahay, waxey xor u yihiin inay aadaan meeshay doonaan hadday dalkooda dib ugu laaban lahaayeen iyo haddii dalka sii joogi lahaayeen” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Boqollaal ruux oo ku sugnaa Masjidka gudihiisa ayaa hal mar ku dhawaaqay Takbiirta, waxeyna si weyn ugu farxeen qaadashada Diinta Islaamka ee labadaas ruux ee Kenyaatiga ah.

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa sanad ka hor ka soo ka qafaashay labada nin iyo qaar kale oo Kenya u dhashay degaano tirsan gobolka woqooyi bari ee Kenya, mana cadda iney Al-shabaab ku biirayaan iyo iney dalkooda dib ugu laabanayaan hadii loo ogolaado.














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog