Daawo Naagta Obama oo furiin ka dalbatay Nin keeda kana maseertay Haweeney kale uu wax tusay obama….

Tuesday, February 4, 20140 comments

Sheekadaan xoogeeda ayaa soo shaac baxday habeen hore markii la daawaday sawiro laga qaaday M/weynaha iyo xaaskiisa oo aan isla hadleyn xilli ay ka qeyb galayeen xaflad casho ah oo lagu qabtay aqalka cad ee Washington ku yaala.

Sawirada ayaa waxaa kasoo muuqday Michel Obama oo muujinayso carradda ay seygeeda u qabto lana hadleyn wajigana u badalaysa.

Michel Obama ayaa ka xanaaqday sawiro uu M/weyne Barack Obama la galay haweeneyda madaxda ka ah dalka Helle Thorning-Schmidt 10 bishii December ee sanadkii 2013 xilligaaso ay ka qeyb galayeen tacsi loo dhigayay M/weynihii hore ee dalka Kofur Africa.
Wargaysyada Maraykanka kasoo baxa qaarkood ayaa qoray xog ku saabsan in Michel Obama ay M/weynaha ka dalbatay inuu furo hase ahaatee uu ka biyo diiday laakin arrintaas mar wax laga weydiiyay afhayeenka aqalka cad waa uu ka gaabsaday.

Dhawaan Mrs Michel waxaa ay warbaahinta qaar u sheegtay in marka uu dhamaado waqtiga uu Obama talada wadanka hayo ay kaligeed gooni u dagi doonto oo aysan doonayn inay saygeeda la noolaato

Dhawaan mar ay u dabaal dagaysay 50 sanno guurada dhalashadeeda waa ay yarayd baa la leeyahay  intay ay seygeeda garab taagnayd oo inta badan qolka jiifkeeda ayay ku laalabanaysay










_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog