Daawo Nin aduunka laga raadinayay Oo laba dowladood qabashadiisa iska kaashadeen

Tuesday, February 25, 20140 comments

Mariiniska Dowlada Mexico oo gacan weyn ka helayay kuwa Dowlada Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay mid kamid ah Hogaamiyaasha ugu qatarsan dunida sanado badana si weyn loo baadi goobayay.

Ninkan Hogaamiyaha ee la qabtay ayaa lagu Magacaabi jiray Joaquin ‘El Chapo’ Guzman, waxa uuna ahaa Hogaamiyaha Koox caan ah oo si weyn uga ganacsatada daroogada oo lagu Magacaabo Sinaloa .

Hogaamiyahan sida weyn loo baadi goobayay ayaa lagu qabtay gobolka Sinaloa kadib howl gal balaaran ay iska kaashadeen Ciidamada la Dagaalanka Daroogada ee Wadamada Mexico iyo Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa hogaamiyahan la qabtay horey madaxiisa u dul dhigtay lacag dhan 5-Milyan oo Dollar, ninkan lagu naaneeso Ninkii gaabnaa ayaa ka baxsaday xabsi amaankiisa si weyn loo adkeeyo sanadkii 2001-dii , iyadoona soo qabashadiia ay qaadatay mudo sanado ah.

Enrique Pena Nieto Madaxweynaha Dalka Mexico ayaa si weyn usoo dhaweeyay howlgalka lagu soo qabtay mid kamid ah ragii ugu qatarta badnaa dunida mudo sanado badan ahna la baadi goobayay.

MUUQAALADA HOGAAMIYAHA














_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog