Mucjiso+Warbixin: Hooyo Dhagaha la´wiilkeedana uu Al Shabaab ku jiro oo weerarkii Madaxtooyada markii 4-aad ilmeeysay

Tuesday, February 25, 20140 comments

Hooyo Soomaaliyeed magaceedana lagu sheegay Ardo oo degan xaafada Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid ayaa waxaa la sheegay in ay ilmeeysay waliba booqatay Maydadkii Al Shabaab ee lagu laayay maalintii Jimcaha eheed xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Hooyadaan oo la sheegay inay dhagaha la´dahay ayaa waxa ay Meeydadka Al Shabaab laga laayay ka raadisay wiil yar oo ay dhashay da´diisana lagu sheegay 18 sano jir kaas oo 2 sano ka hor Al Shabaab tashkiiliyeen waliba reerkooda ka dhuuntay.

Wiil kaan yar oo agoon ah waxaa magaciisa lagu sheegay Faysal waxeeyna hooyadiis ka raadisay dhoor jeer oo hore xarumo badan oo ay Al Shabaab ku leeyihiin magaalooyinka Baraawe iyo Buulo Barde. Hooyada wiilkaan yar ee agoonka ah dhashay uma suurto galin wiilkeeda inay hesho balse waxaa la yaab noqotay Hooyadaan dhagaha la´ ee maskiinta ah waxeey wiilkeeda ka raadisaa mar kasta raqda ama Meeydadka Al Shabaab looga dilo weerarada Qaraxyada ah ee xarumaha dowlada lagu qaado taas oo aaminsan in maalin maalmaha ka mid ah wiilkeeda uu mari doono wadadaan qaldan ee la isku qarxinayo.

Hooyadaan oo dhib weyn uu hayo waxaa inta badan caawiya oo wiilkeeda la raadiya dad badan oo dariskeeda ah balse ilaa hada ma aysan arag raqda ama Meydka wiilkeeda oo ku dhawaad 2 sano ka maqan. Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka waxaa jira waalidiin aad u fara badan oo caruurtooda nolol iyo geeri midna ku heyn kuwaas oo la sheegay in lagu soo tababaro gudaha xarakada Al Shabaab.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog