Daawo Ragii Weeraray Villa Soomaaliya Magacyadooda Iyo qabiilada ay Kasoo jeedan

Monday, February 24, 20140 comments

Kooxda al-Shabaab ayaa warbixin ka soo saaray weerarkii Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Cali Maxamed Xuseen oo ah guddoomiyaha Al-Shabaab Ee gobalka Banadir, oo shir jaraa’idqabtay ayaa sheegay in weerarkii ka dhacay Villa Somalia ay ku dileen 51-qof oo ay ku jiraan saraakiil sar sare iyo ciidamo AMISOM sidda uu hadalka u dhigay.

Sido kale wuxuu tilmaamay in saraakiisha ay dileen ay ka mid ahaayeen, madixii ilaalada madaxtooyada Villa Somalia, Cabdulaahi Joon, agaasimihii guud ee xafiiska ra’iisal wasaaraha. Indha Case, Gen Nuur Shirboow oo lagu waday in lagu badalo taliyaha nabad sugida Gen Bashiir Goobe sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu kaloo sheegay in ay ku dileen weerarkaas 21-askarta AMISOM, 12 ciidanka nabad sugida oo uu soo gurmaday ilaalada madaxtooyada iyo 22 askari oo ah kuwa ilaaliya madaxweynaha.
Isago hadalkiisa sii wata ayaa cali Maxamed Xuseen ayaa sidoo kale tilmaamay in labo sarkaal oo Ugandees iyo mid Jabuuti ah ay ku dileen weerarkaas.

Wuxuu intaas raaciyay in 58- xubnood oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa masjidka madaxtooyada in ay dhaawaceen, waxaana ay isugu jiraan AMISOM iyo saraakiil kale ayuu yiri,

Ugu dambeyn wuxuu ku hanjabay in ay sii wadi doonaan weerarrada iyo qaraxyada ay ka geesanayaan goobaha dowladda.

Mar sii horreysay ayaa afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage. wuxuu wakaalada wararka Reuters u sheegay in weerarkaas uu micnihiisa ahaa in ay ku soo qabtaan madaxweynaha isagoo nool ama dhintay.













_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog