Daawo Sawirada Nin Mucjiso ah oo korkiisa ay wax walba ku dhagayaan sidii birqabatadii

Wednesday, February 26, 20140 comments

Nin u dhashay dalka Bosinia oo magaciisa la yiraahdo Muhibija Buljubasic, ayaa magaalo wadankaasi ku taala waxaa uu ku sameeyay bandhig ay dad badani la yaabeen sababtuna waxaa weeye jirkiisa ayaa waxaa ku dhagaya wax walba oo la dul saaro.

Ninkaan oo 56 sanno jir ah ayaa warbaahinta tusay jirkiisa oo shey walba oo la saaro uu ku dhagayo sidii bir qabatada oo kale.

Waxyaabaha uu bandhiga ku sameeyay waxaa ka mid ah Qaandooyin, Fargeetooyin ama maacuunta caadiga ah iyo xataa waxyaabaha caaga ka samaysan ama aan xataa birta aheyn.

Taleefoono ayaa ka mid ah waxyaabaha uu bandhiga ku sameeyay oo xataa kama dhacayaan ama kama fuqayaan in laga fujiyo mooyee.

Muhibija Buljubasic mar uu hadlay waxaa uu sheegay in waxa uu sameynayo aysan indho-sarcaad aheyn oo ay tahay mid dhab ah waxaana uu intaa ku daray in arrintaan uu isku arkay muddo haatan 5 sanno laga joogo.

Markii ugu horeysay ee uu arrintaan isku arkay waxaa uu xusay inuu arkay asagoo ay alaabo ku dhag dhagayaan marka uu damco inuu wax cunno.




Xigasho- Daily Mail
W/Tarjumay Burhan Dini Farah
burhandiini@gmail.com












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog