Daawo Video Jilaaga Soomaaliyeed oo ku guuleystay abaalmarinta filimada oo Magaca Soomaaliya kor u Qaday!!

Tuesday, February 18, 20140 comments

Jilaaga Soomaaliyeed ee Barkhad Cabdi oo dhawaantaan ku guuleystay abaalmarinta filimada ee laga bixiya dalka Ingiriiska ee loo yaqaan BAFTA ayaa waxaa la sheegay in goobtii abaalmarintaas lagu gudoonsiiyey inuu kaga hadlay erayo Soomaali ah arintaas oo sumcad iyo sharaf weyn u ah guud ahaan dadka Soomaaliyeed maadaama barnaamijkaas ay si LIVE ah ay u daawanayeen maalaayiin qofood oo ku kala nool aduunka dacaladiisa. 

Barkhad Cabdi oo dhawaantaan ku guuleystey abaalmarinta (Bafta British Academy of Film and Television Arts) oo ah abaalmarin qiimo weyn leh oo laga bixiya dalkaas Ingiriiska ayaa Barkhad Cabdi oo ay abaalmarintaas kula tartamayeen ilaa iyo 4 qofood oo kale ayaa ugu dambeyntii waxaa goobtaas ay kaga dhawaaqday haweeneyda caanka ah ee aktarada ah ee lagu magacaabo Emma Thompson in Barkhad Cabdi uu halkaas uu ku guuleystay abaalmarintaas taas oo ninkaas Soomaaliga ah oo ay filinwaa ku noqotey arintaas uu si farxad leh uga soo kacay goobtii uu fadhiyey islamarkaana uu gacan qaaday qaar ka mid ah ragii ay soo wada shaqeeyeen oo uu ka mid ahaa aktarka weyn ee caanka ah ee lagu magacaaboTom Hanks, Barkhad Cabdi ayaa markii la gudoonsiiyey abaalmarinaas oo hadalo mahad naq ah ka jeediyey goobtaas ayaa hadaladiisii waxaa ka mid ahaa HOOYO i love you, arintaas oo runtii ahayd mid sumcad iyo sharaf weyn u ah dadka Soomaaliyeed maadaama maalyiin qofood ay si toos ah oo LIVE ah ay uga daawanayeen aduunyada oo dhan barnaamijkaas lagu bixinaayey abaalmarintaas. 

Ugu dambeyntiina iyadoo jilaaga Soomaaliyeed ee Barkhad Cabdi oo ku guuleystay abaalmarintaas Bafta gaar ahaan qeybta best supporting actor ee filimkiisa lagu magacaabo Captain Phillips ayaa waxaa uu yahay nin si deg deg ah uga mid noqday aktarada aduunka ugu caansan ee loo hadal haynta badan yahay maadaama uu mudo kooban ku jira xirfada jilaanimada iyadoona uu yahay filimkaan Captain Phillips filimkiisii ugu horeeyey ee uu jilo abid islamarkaana uu ku guuleystay abaalmarino fara badan, Sidoo kale ayaa jilaaga Barkhad Cabdi waxaa uu rajo weyn ka qabaa inuu ku guuleysto abaalmarinta ugu sareyso fililmada ee loo yaqaan Oscarka oo uu u sharaxan yahay iyadoona abaalmarintaas la bixin doono laguna dhawaaqi doon cida ku guuleysatay 3da bisha soo socoto ee Maarso. 




Abdirizak M. (Xiireey) 
Holland 
Abdirizakxiireey@hotmail.com











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog