CEEBTII UGU XUMAYD: Daawo Faysal warabe oo Dhirbaxay Wasiirkii Silanayo isku Dhawayen Silaanyana U Dhartay ‘Goobti dagal isku badashey

Tuesday, February 18, 20140 comments

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah  ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa maanta u gacana qaaday wasiirka wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo shaqada Maxamud Axmed Barre Garaad kadib markii ay isku weerareen hadalo siyaasadaysan oo ay ka jeediyeen xaflad Abaal marino lagu guddoonsiinayey koox Suxufiyiin ah. 

Faysal Cali Waraabe oo si xun u weeraray Xukuumadda, Wadaada siyaasiyiinta noqda iyo Suxufiyiinta Xukuumadda ku milmay ayaa markii uu dhamaystay waxa hadal lidi ku ah faysal jeediyey wasiir Garaad oo kaasoo maahmaaho Reerkooda oo Beeralay ahi leeyihiin ugu maahmaahay “ Dibiga Hirdida badiya Reer kayagu waxay yidhaahdaan madaxaa jaba” isagoo uga jeeday Faysalow dagaalka badan ee Xukuumadda madaxaa kugu xanuuni. 

Wasiir Garaad intaas kagamuu hadhine waxa uu raaciyey “ Faysalow hadaad maalin walba hadasho dadku waxay odhanayaan waa kii Faysal wixiisiiye iska daaya”. 

Intaas markii uu marinayo ayuu faysal xanaaqay oo inta uu Mobolkiisii kor u qaaday damcay in uu ku dhufto, bale markiiba waa laga qabtay. 

Xanaaqa faysal ayaa cirka isku shareeray waxaana galay madashii lagu soo martiqaaday Mucaarad iyo Muxaafadba buuq qaatay in muddo la kala lad-qabeeyo, iyadoo xafladdii isu badashay madal ay ku loolamaan  Koxda. 

waxa Uu faysal waraabe Hogaamiyahani  balan qaday Inuu xabad Xabad U Dhirbaaxi doono  Cidii ka Tirsan Kooxda Silaanyo Ee cayda Uuna Iskaga Celinayo Feedh. 












_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog