Deg-Deg: Dowlada Soomaaliya oo markii ugu horeesay Shaqo siisay Gabdho qaba Cudurka AIDS-ka

Friday, February 28, 20140 comments

Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo xuquuqda aadanaha ayaa markii ugu horeesay waxa ay shaqo siisay Gabdho kamid ah dadka la nool xanuunka AIDS-ka ,kadib kulan balaaran oo maalintii shalay ka dhacay Muqdisho.

Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirada Horumarinta Haweenka iyo xuquuqda aadanaha ayaa shalay kulan waxa ay la qaadatay qaar ka mid ah haweenka la nool cudurka AIDS-ka iyo Gudiga ka hortaga AIDS-ka ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Wasiirada ayaa kulankaasi ka sheegtay in ay shaqaaleesiiyeen labo Gabdhood oo kamid ah dadka la nool cudurka AIDS-ka , waxa ayna sheegtay in muhiim tahay dadka udurkan qaba aan laga takoorin bulshada dhaxdeeda.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa waxa ay sheegtay in Wasaaradda Haweenka ay garabtaagantahay dadka la nool cudarka AIDS-ka , islamarkaana ay ku dadaallayaan in ay helaan xaaquuqda bulshada caadiga ah ay hesho oo kale.

“Annaga kan Wasaarad ahaan waan garab istaagaynaa, waana ka warqabaynaa, sida dadka kale ee ay xaquuqda u helaan ayay dadka xanuunka la nool ay xaq ugu leeyihiin, waxaana ku baraarujinayaa dadka la nool xanuunka cudurkan inaysan qarsan, dowladduna waxa ay u taagantahay inay wax u qabato bulshada” ayay tiri Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye

Waa markii ugu horeesay Dowlada Soomaaliya ay shaqo siiso Gabdho la nool Cudurka AIDS-ka , tilaabadan ayaana noqoneysa mid dhiira galisa dadka qaba cudurkan oo inta badan la takooro niyadana laga dilo.











_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com
Share this article :
 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. SHABAKADDA NEWBANAADIR - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog