Gabar Soomaaliyeed ayaa waxaa la sheegay inay markii ugu horeysay in ka badan 20 sananadood ay wajigeeda soo bandhigtey cabsi iyo xishood la'aan ka dib markii dhaqaatiirta dalka Australia ay ku guuleysteen qaliin ay wajiga uga sameeyeen gabadhaas Soomaalida oo dhibaato weyn ka soo gaartey rasaas kaga dhacday wajiga mudo laga joogo 20 sanandood ka badan iyadoona gabadhaas Soomaalida ah ay farxad weyn ay ka muujisay arintaas.
Gabadhaan Soomaalliyeed oo lagu magacaabo Ayaan Cismaan Maxamed oo ah oo 25 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay in ayadoo yar oo 2 sano jir ah ay xabad kaga dhacday wajiga taas oo uu dhaawac halis ah uu ka soo gaarey wajiga iyadoona wixii intaas ka dambeeyey ay gabadhaas Soomaaliiida ay wajigeeda qarin jirtey islamarkaana ay ku nooleyd xishood iyo cabsi la xiriirta wajigeeda, Laakiin dhawaantaan ayaa dhaqaatiirta ka howlgasha isbitaalka lagu magacaabo Wesley Hospital oo ku yaala magaalada Brisbane ee dalkaas Australia waxay Gabadhaas Soomaaliyeed ku sameeyeen wajigeeda qaliin iyadoona ay dhaqaatiirtu ay u suurogashay inay wajiga gabadhaas ay ku soo celiyaan si dhow sidiisii hore arintaas oo ay farxad weyn ka muujisay gabdhaas Soomaaliyeed iyo qaraababadeedaba.
Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaaas Soomaalida ay farxad weyn ka muujisay muuqaalka cusub ee wajigeeda ayaa qaar ka mid ah dhaqaatiirtii ka howlgashay qaliinka gabadhaas waxay sheegeen inuu ahaa qaliin culus oo u baahan taxadar badan islamarkaana ay ku yareyd dhaqaatiirta waayo aragnimada qaliinka noocaas oo kale ah maadaama uu ahaa mid uu sababay rasaas ku dhacday gabadhaas Soomaaliyeed, Qaliinka gabadhaas oo qaatey mudo gaareysa ilaa iyo 11 saacadood ayaa dhaqaatiirta iyo kalkaaliyayaasha fulinaanyey qaliinkaas waxay sameeyeen maalin Sabti ah oo ah maalin ay fasax ka ahaayeen shaqooyinkooda maadaama ay si bilaash ah ama lacag la'aan ah ay ugu caawinanyeen qaliinkaas gabadhaas Soomaalida , Edna Adaan Ismaacil oo ka mid ahayd dadkii suuro galiyey qaliinka gabadhaas Soomaalida ayaa waxay sheegtay inay nolol cusub u bilaabatey gabadhaas Soomaaliyeed.
Abdirizak M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com