Bishan maalin Isniin ah Subax aan wali dadka si aad ah usoo wada toosin oo ay ahayd abaarihii 6:35am ayaa waxaa ka dhacday degmadda wadajir ee gobolka Banaadir arin layaab leh oo ay geeysteen Ciidamadda AMISOM arintan ayaa aheydn in gaari ka mid ah kuwa qufulan ee ay leeyihiin kuwa AMISOM uu gallay farmashiye wayn oo qaybna lagu iibin jiray Allaabaha Electronic iyo Shoping ka.
Gaarigan ayaa la sheegay in uu waday nin hurdeysnaa oo ay ka muuqatay saqraan isagoo si xowli ah u waday ka dibna si toos ah ulla Abaaray Farmashigaasi sidaana ku bur buriyay hanti aad u fara badan, waxaa nasiib aheyd in xiligaasi in wax ganacsi ah ka socon oo uu san furneyn maadaama subax xili waaberi aheyd oo dadka aan soo wada toosin.
Hadaba arinta in laga xumaaddo ah ee taagan waxa ay tahay illaa haatan in aysan jirin wax jawaab ah ay ka bixiyeen ciidamadda AMISOM, oo illaa hada ay ka leex leexanayaan waxaana jirta in Farmashiga wali uu Duleello ganacsigiina uu xayiran yahay maadaama meesha aan lagu ganacsan Karin.
Yacquub C/qaadir Nuur Milkiilaha Farmashiga oo isagoo murugo ka muuqataahi inoo waramay ayaa sheegay in mudo 10 maalmood uusan shaqaysan oo ilmihiisa xitaa meel uu biil kasiiyo waayay, Milkiilaha waxa uu sheegay maalintii gaariga uu gallay illaa xiligan uu ka daba noq noqanayo xafiiska AMISOM balse aysan jirin cid si ixtiraam leh usoo dhoweysa.
"subax walbo alaseey ayaan tagaa xafiiskooda Xalane, marka hore galitaanka ayaa dhib igu noqda oo si saxariir ayaan ku gallaa, marka aan gallo hadana cid aan wax u sheego maleh, oo mar aan daallo ayaa la I dhahaa Taliyihii ayaa maqan ee beri imow, wax aan sameeyo maleh hantideyda waa la iga bur buriyay." sidaasi waxaa yiri Milkiilaha Farmashiga Yacquub.
Sida uu inoo sheegay milkiilaha Farmashigan bur Burka wayn loo geeystay mar wax aan ka waydiiyay Allaabta laga bur buriyay oo Gaariga jiiray guud ahaan inta ay la egtahay ayaa sheegay in Mobile lada Daaooayinka dhamaan Shoping ay guud ahaan yihiin 7667$ (todobo kun lix boqol lixdan iyo todob Dolarka Maraykan.
Allaabahan sida aad sawirka ka areagtaan ayaa ahaa kuwa qaali ah oo Mobile lo Kuwa ugu danbeeyay Alaabo Electronic Barfuumo waxyaabaha Dumarka ay isku qurxiyaan, Daawooyin Muhiim ah oo wada qaali ah.
Waxaa wax laga xumaaddo ah in illaa iminka hantidaasi meel lagu sheegin oo ay ciidanka AMISOM laga haynin jawaab sax ah oo waan bixinyaynaa wax aan ka badnayn ahayn,
Arimaha sida oo kale ah inta badan ee ay geeystaan ciidanka AMISOM ayaa wax laga qaban oo oo dad badan sidaas oo kale isaga samray xitaa waxaa jira in marar badan ay gawaariudoodda ku jiireen dad nool oo illaa haatan aan wax laga qaban.
W/D Asad Abukar Ali (Asad Dhayow)
Mogadishu-Somalia
Email asaddhayow@gmail.com
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com