Kaartooniistaha Caanka ah ee Amin Arts ayaa maalmo kahor soo sawiray Qorshe la doonayay in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho loogu Magacaabo Jen Xasan Xuseen Muungaab oo la tilmaamo in uu katirsan yahay Ururka Dam Jadiid.
Sawirkan uu soo bandhigay Amin Arts 16-kii Bishan ayaa maanta run noqday, kadib markii Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya maanta kasoo baxday Wareegto Muungaab loogu magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka iyo Duqa Magaalada .
Xubno katirsan Ururka Dam Jadiid ayaa gadaal ka riixayay in Maamulka Gobolka oo ah mid muhiim ah loo magacaabo nin iyaga katirsan kuna howl gali kara Siyaasada ururka oo hada ah mida lagu Maamulo Dalka.
_______________________________
Nagala Soo xariir emailka
newbanaadir@hotmail.com
www.newbanaadir.com